4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2016
BELEDWEYNE: Ganacsiga oo Maanta xiran iyo Mudaaharaadyo ka dhacay Magaalada [SAWIRO]

Arbaco, May 11, 2016 (HOL) — Ganacsiga magaalada Beledweyne ayaa gabi ahaanba xirran, waxaana soconaya mudaaharaadyo ay dadka uga soo horjeedaan sara kac ku yimid sarifka lacag doorka iyo ganacsatada magaalada oo diiday in ay wax ku iibsadaan shilka Somaliga.

Safirka $ 100 doolar ayaa gaaray (3,000,000 shilka Somaaliga ) halka markii hore uu ka ahaa ( 2, 200. 000  shilka Soomaaliga ) kaddib markii sidda la sheegay magaalada la soo galiyay lacago shil Soomaali ah oo lagu soo farsameeyay deegaannada Puntland.

Gaar ahaan dadka ayaa cabasho xoogan ka muujinaya diidamada in wax lagu iibsado lacagta shilka Soomaaliga ah, madaama dadka dan yarta arintan dhibaato xoog leh ku qabaan.

Ganacasatada oo aan kala sheekeysanay arintan, ayaa eedeymaha ugu badan u jeedinayay isla qaar ka mid ah ganacsatada oo sidda ay sheegeen magaalada soo galiyay lacago laga soo daabulay deegaannada Puntland, taasoo sare u qaaday safarka lacagta doolarka.

Waxaa siddoo kale xiran xarumaha shirkadaha Hormuud iyo Dahabshiil  oo ay saameyn ku yeesheen dadka mudaaharaadyada dhigaya oo qaarkood ku dhawaaqaya eryo ka dhan ah isticaalka lacagta doolarka iyo habka adeega lacaga leyskugu gudbiyo ee  EVC PLUS - ka , waana tan keentay in dibadbaxayaashu si gaar ah u bartilmaameesadaan shirkada Hormuud.

Meellaha qaar ayaa la maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidanka amniga maamulka oo isku dayay in ay xakameeyaan dadka dibadbaxa dhigaya oo qaarkood dhagax ku tuuraya marka ay arkaan goob ganacsi oo furan.

Kulan deg deg ah oo ay arintan ka yeesheen mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, ayaa laga soo saaray go'aamo adag oo la dul dhigay ganacsatada iyo sarifleyda oo lagu war-galiyay in $ 100- ka doolar aan la sarifi karin wax ka badan 2, 340, 000 oo Shilin Soomaali ah, cid kasta oo amarkan ka hor-timaadana laga qaadi doono tallaabo waafaqsan Sharciga.

Ugu danbeyntii, maamulka ayaa sheegay in gaari kasta oo lagu qabto isagoo lacag soo galinaya magaalada la ganaaxi doonno lacag dhan $ 5000 doolar, meel fagaare ahna lagu gubi doono dhamaan wixii lacag ah ee saaran gaariga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya