4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2016
Taliska Ciidanka Milateriga Somalia oo ka hadlay Hawl-galkii laga fuliyay deegaanka Toora-toorow


Arbaco, May 11, 2016 (HOL) — Taliska ciidanka millateriga Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay ka Warbixiyay Hawl-gal ay Habeen hore Ciidamada Kumaandoosta Somalia iyo ciidammo kale oo ajnabi ah ay ka fuliyeen deegaanka Toora-torow ee gobolka Shabeellada Hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska millateriga Somalia ayaa lagu xusay in 4:00 habeenimmo ay ciidamada kumaandoosta Somalia howl-gal qorsheysan ka fuliyeen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Toora-toorow.

“Kumaandoosta Somalia ee Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay saldhig ay ku leedahay Al-shabaab Toora-toorow, ujeedka ciidamaduna wuxuu ahaa inay gabi ahaan saldhiggaas burburiyaan. Waayo waxay ku ururinsayeen xoolo ay shacabka xooga uga soo qaadeen oo ay Zako ku sheegeen,” ayaa war-saxaafadeedkan lagu xusay.

Sidoo kale, Taliska CXD ayaa bayaankooda ku xusay in hawl-galkaani uu socday ay ku dileen ciidamadu saraakiil iyo xoogag kale oo ka tirsan Al-shabaab oo saldhigga la burbriyay ku sugnaa.

Xukuumadda Washington, ayaa dhankeeda xaqiijiysay inay ciidamadeedu ku lug lahaayeen hawl-galkaas, balse ma aysan bixin faah-faahin intaas ka badan oo ku saabsan hawl-galkan.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay inay fashiliyeen Weerar ay ku soo qaadeen ciidammo Mareykan ah oo watay diyaarado nooca qummaatiga u kaca ee Helicopters-ka loo yaqaanno, ayna weerarkaas fashiliyeen.

Ugu dambeyn, Ciidamada Kumaandoosta Somalia iyo kuwa Maryakanka ay muddo bil ka hor ah, waxay si Wadajir ah ah ka sameeyeen Deegaanka Aw-dheegle oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya