4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2016
Suuqyada Hilibka Laascaanood oo Xiran; Sababtu waa Sicir Barar

Masawirka Laascaanood


Arbaco, Mey 11, 2016 (HOL)-Suuqyada hilibka ee magaalada Laascaanood ayaa xiran kadib markii kawaanleyda magaaladaasi ay shaqo joojin sameeyeen.

Arintaa ayaa waxay ka dambeysay sicir barar la sheegay inuu magaaladaa iyo magaalooyin kale oo Soomaaliya ah uu ka dhacay. Sicir bararkaas ayaa waxaa uu sidoo kale saameeyay saylada xoolaha nool lagu kala iibsado ee Laascaanood.

Arintaa ayaa waxaa uga sii daray ayadoo ganacsatada waaweyn ee magaaladaasi ay diideen inay qaataan lacagta 5ta boqol ah ee Soomaaliya iyo sare u kac kuyimid ascaarta lagula soo wareego doolarka Mareykanka.

Qaar ka mid ganacsatada Laascaanood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sida haatan xaalku yahay marka laga hadlaayo ascaarta doolarka aysan ahayn si ay kusii shaqeyn karaan, waa hadii aan dhibaatadaa wax laga qaban.

Shalay ayaa sidoo kale waxaa magaaladaasi Laascaanood ka dhacay mudaaharaad ay dhigeen ganacsatada dan yarta ah ee gaar ahaan ayagu ka ganacsada hilibka iyo xoolaha nool.

Ascaarta doolarka lagu soo waarido ayaa sare u kacay maalmihii lasoo dhaafay ee asbuucaan magaalooyin kale oo dhowr ah sida Garowe, Puntland Soomaaliya halkaas oo muddo suuqyo ay xirnaayeen kadib intii aan dib loo furin mar kale ayadoo sidaan oo kale ganacsatada Garowe ay arintaa uga dhiidhiyeen.

Soomaaliya ayaa qiimaha lacagteedu hoos u dhacayay tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe sanadkii 1991kii. Meelo badan oo dalka ah ayaa waxaa wax looga iibsadaa doolar ama si elektaronik ah ayaa wax lagu kala gataa ayadoo la isticmaalayo adeegyada taleefanada gacanta.

Qore: Aaden M Warsame
[email protected]