4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2016
Kenya: Waxaanu Qabanay Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab

Arbaco, Mey 11, 2016 (HOL)-Dawlada Kenya ayaa maalintii shalay ahayd sheegtay inay qabatay tobanaan qof oo lala xiriirshay xarakada Alshabaab.

Madaxa Hawlgalladda Ammaanka ee keynta Boni ee Kenya, James Ole Serian ayaa warbaahinta u sheegay inay qabteen 36 qof oo lala xiriirinayo Alshabaab.

James wuxuu intaasi ku daray inay dadkaasi lala xiriirshay Alshabaab ciidamadiisu ku wareejiyeen hayadaha ammaanka, gaar ahaan booliska ka hortaga argagixisada ee marka magacooda lasoo gaabsho loo yaqaano (ATPU).

Keynta Boni ayaa waxay dhacdaa degmada Lamu ee gobolka xeebta ee Kenya.

Hawlgalka ayaa ciidamada ammaanka ee Kenya ay ka wadeen halkaas 9kii bilood ee lasoo dhaafay welina socda ayagoo sheegay inay kula dagaalamayaan Alshabaab gaar ahaan cutub ay u yaqaanaan Jeysh Ayman oo sida ay sheegeen ka tirsan isla Xarakatu Shabaab.

Dalka Kenya ayaa waxaa soo wajahay weeraro xiriir ah sanadihii lasoo dhaafay kuwaasoo bilowday markii Kenya ay ciidamadeedu galeen dalka Soomaaliya sanadkii 2011kii.

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.