4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 11, 2016
CARTE: Waa in laga digtoonaado in Hantida Qaranka la Lunsado Xilliga lagu jiro kala guurka


Arbaco, May 11, 2016 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ka digtay in xilliga kala guurka la boobo hantida Qaranka, iyadoo daba-yaaqada sannadkan la filayo inay dalka ka dhacdo doorasho lagu soo xulnayo baarlamaan iyo madaxweyne cusub.

RW ku xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte ayaa hadal uu ka jeediyay xaflad ay xilalka kula kala wareegayeen Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare iyo midka cusub, ayaa mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya uga digay inaysan ka faa’ideysan kala guurka, loona baahan yahay in hantida Qaranka ay ilaaliyaan.

“Mas’uul kasta oo idin ka mid ah waa iuu ilaaliyo hantida uu Qaranka Soomaaliyeed u hayo, cid kasta oo xilka kala wareegtana lagu wareejin karo, ma jirto wax kala guur la yiraahdo, hantida Qaranka ayaa iska leh, Qaranka ayaana loo haynayaa,” ayuu yiri Carte.

Sidoo kale, RW ku xigeenka Soomaaliya ayaa intaas ku dcaray in hantida ummadda aan sinaba lagu xalaaleysan karin, isla markaana cid walba lala xisaabtamai doono, isagoo mas’uuliyiinta dowladda ku borriyay inay hantida ay Qaranka u hayaan ay sii hayaan, lagana fogaado in la lunsado.

Ugu dambeyn, Horay ayaa mas’uuliyiin badan oo dowladda ka tirsan waxay horay u sii Qaadiid iyo qalab kale oo ay dolwaddu leedahay, inkastoo ay jiraan xubno lagula xisaabtamay hantidaas, dibna looga soo celiyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya