4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2016
Kulanka Dhaqaalaha Caalamka oo Maanta Ka Furmaya Kigali, Rwanda

Arbaco, Mey 11, 2016 (HOL)-Waxaa maanta lagu wadaa inuu caasimada Rwanda ee Kigali uu ka furmo kulanka dhaqaalaha caalamka.

Shirkaas ayaa qaadan doona muddo 3 maalmood ah oo maantu ugu horeyso waxaana kasoo qeyb galaya madaxda dalal badan oo Afrikaan ah. Arimaha lagu wado in lagu soo qaadi doono kulankaas ayaa waxaa ka mid dhaqaalaha dalka SOOMAALIYA.

 Shirkaa ayaa waxaa la qabtaa sanadkiiba mar.  Sanadkaan halku dhagiisu waa 'isku xirka kheyraadka Afrika..'.

Shirkaan ayaa waxaa lagu gorfeynayaa mustaqbalka Afrika waxaana kormeeri doona masuuliyiin badan oo ay kujiraan ganacsato kakala timid dhammaan daafaha caalamka.

Waxaa sidoo kale shirkaa looga hadli doonaa sida qaababka elektarooniga ah wax loogu iibsado ayadoo la isticmaalayo taleefanada gacanta, waa habka waafaqsan tiknoolojiyada isla markaana kusoo badanaya dalalka Afrika oo Soomaaliya ay kujirto.

Sidoo kale ayaa waxaa aad loo niqaashi doonaa sidii loo sii horumarin lahaa qaabkaa wax lagu kala iibsado taleefanada gacanta; waa qaabka dijitaalka ah.

 Wafuud ka badan 1000 qof ayaa ka qeyb galaya shirkaan maanta ka furmaya Kigali, Rwanda.

Qore: Aaden M Warsame
[email protected]