4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 10, 2016
COL. XASAN SHUUTE: Waxaa gacanta noogu jira 12 askari oo ku lug yeeshay Dagaallo Beeleed


Talaado, May 10, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somalia, Col. Xasan Cali Nuur [Shuute], ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Dagaallada kusoo noq-noqday Gobolka Shabeellada Hoose ee salka ku haya Beelaha iyo Qorshaha uga degsan xal-u-helidda colaadaha Gobalkaas kusoo laalaabtay.

Col. Shuute ayaa sheegay in 12-askar oo loo haystao inay isbaarooyin dhigteen gobalka iyo kuwo ka qayb-qaatay dagaallada Gobalkaas ka socda ee habka beeleed u Abaabulan - lasoo geliyay gacanta Maxkamadda Dacwaddoodana ay ka gaarayaan go’aan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamada ciidanka ayaa xusay in laamaha amniga Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay kusoo war-galiyaan ciidanka Dowladda ka tirsan ama Malleeshiyaadka dharka Dowladda xiran ee ka Qayb-qaata dagaallada Gobalka Shabeelada Hoose.

Guddoomiye Shuute, ayaa la weydiiyay su'aal ahayd waxa ka hor-taagan inay Maxkamadu ka Hawl-gasho Deegaannada Maamul-goboleedyada; Puntland, Jubbaland iyo Galmudug? wuxuuna kaga Jawaabay.

“Hadda, waxaa socda qorshe hawlaha Maxkamadda Ciidamada loo gaarsiin lahaa dhamaan Deegaannada maamul-goboledyada Dalka, laakiin haatan waxaa jirta wada-shaqeyn nagala dhexeysa Maxakamadaha maamul-goboleedyada Soomaaliya ka jira.”

Ugu dambeyn Col. Shuute ayaa ka hadlay dilalka ay fuliyaan xubnaha Al-shabaab ka tirsan iyo Askarta, isagoo xusay in Dhammaan ay helaan Cadaalad, Wuxuuna arrin aan Suuro-gal ahayn ku tilmaamay in qof aan dambi lagu helin la toogto oo lagu badalo dad maxkamaddu ay dambiyadii lagu soo eedeeyay oo dil uu u weyn yahay lagu helay.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya