4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 10, 2016
Somaliland oo Heshiish la Saxiixatay Shirkadda Dubai World oo Dekadda Berbera ballaarinaysa (Sawirro)

Talaado, May 10, 2016 (HOL) — Xukuumdda Somaliland, ayaa heshiish xaga horumarinta dekadda Berbera iyo wadadda isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya kala saxiixday shirkadda Dubai World ee laga leeyahay dalka Isku tagga imaaraadka Carabta.

Heshiishkan ayaa ka dambeeyey ka dib casuumad uu madaxweyne Siilaanyo ka helay madaxweyne ku xigeenka isku taga imaaraadka ahna Ra’isal wasaaraha dalkaasi Mohamed Bin Rashiid Al makhtoum.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha C/raxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) ayaa lagu sheegay heshiishka ay kala saxeexdeen shirkada Dubai World iyo Somaliland.

“Madaxweyne ku xigeenka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ahna Ra’iisal wasaaraha dalkaasi, isla markaana ah xaakimka Imaaradda Dubai, Mohammed Bin Rashid Al-Maktoum ayaa qaabiley Madaxwaynaha, Mudane.  Axmed Maxamed  Silaanyo qasrigiisa. Madaxweynaha oo la dejiyey hotelka Al-qasar, ee ku yaalla madiinatu Jubayra ee Dubai ayaa wuxuu gudoonsiiyey madaxweynuhu Ra’iisal wasaaradaha Dalkaasi hadyad ah, astaanta qaranka jamhuuriyada Somaliland”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay afhayeenka madaxweynaha.

Weftiga uu horkacayo madaxweynuhu ee ku sugan Dubai ayaa heshiis dhinacyo badan taabanaya la saxeexday masuuliyiinta shirkada Dubai World oo ah shirkadda u qaabilsan Isu-tagga Imaaraadka dhinaca dekedaha, gaar ahaan waxa heshiiskaasi saxeexay gudoomiyaha shirkadaasi Sultan Ahmed Bin Sulayem, oo ka wakiil ah dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo dhinaca Somaliland oo uu u saxeexay Wasiirka Arrimaha dibeda Dr. Sacad Cali Shire.

Ujeeddada heshiiskan ayaa lagu sheegay inuu yahay  dhismaha, dayactirka iyo ballaadhinta dekeda caalamiga ah ee Berbera. Waxa kale oo heshiiska la kala saxeexday ka mida dhismaha waddada loo yaqaan Berbera Corridor oo ah waddada ganacsi ee isku xidhidhaysa Berbera iyo Itoobiya.

Waxa kale oo ka mid ah heshiiskaa horumarin lagu samayn doono dhinaca beeraha, tamarta, Korontada, dalxiiska, mid ka mid ah Hoteelada casriga ah ee loo yaqaano (Five Star Hotel) oo laga hirgelindoono Magaalada Berbera iyo guud ahaanba tababarada shaqaalaha iyo horumarintooda oo looga golleeyahay in lagu gaadho maamul wanaag.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in Heshiiskan la filayo inuu si dhakhso ah u fuli doonno, isla markaana noqon doono  faa’iido balaadhan u leh dalka iyo dadka Somaliland gaar ahaan iyo gobolka ay ku taallo Somaliland guud ahaanba.

Dhinaca kale, wasiirka Arrimaha Dibadda Dr:Sacad Cali Shire oo isagu maantaba dalka dib ugu soo noqday ayaa warbaahinta u sharaxay heshiishkaasi ay wada galeen shirkadda Dubai Wolrd oo dekadda dibu dhis ku samayn doonta.

“Heshiishkan waa mid aanu la galnay shirkadda Dubai World oo inaga caawin doonta horumarinta iyo casriyeynta dekadda Berbera, isla markaana samayn doonta Suuqa xorta ah oo dekaddu yeelan doonto, waxa kale oo heshiishka ka mid ah in ay inoo dhisto wadadda dheer ee isku xidhi doonta Berbera iyo Itoobiya, waxa kale oo heshiishka ku jira xaga tobabarada, waxbarashada iyo horumarinta Beeraha”ayuu yidhi Sacad Cali Shire.

Sidoo kale waxa wax laga waydiiyey inay jiraan lacago horumarineed oo ay shirkaddaasi ka qaadeen, waxaanu sheegay in lacagta xaqul qalinka loo yaqaan ay bixiyeen taas oo lagu horumarinayo dekadda.

Sidoo kale, waxa warbaahintu wax ka waydiiyeen inuu heshiishkan fududeeyey ganacsadaha weyn ee reer Jabuuti Cabdiraxmaan Boore oo ka dhex muuqday sawiradda weftiga madaxweynaha, haseyeshee wuxu sheegay wasiirku in hoteelka uun ku kulmeen balse aanu shaqo ku lahayn arrimaha heshiishka.

Barkhad-ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland