4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2016
UNHCR oo Cabasho Kamuujisay Go'aanka Kenya ee ah Xiritaanka Xeryaha Dhadhaab

Talaado, Mey 10, 2016 (HOL)-Hayada QM u qaabilsan arimaha qaxootiga ee marka magaceeda lasoo gaabsho loo yaqaano UNHCR ayaa walaac xooggan ka muujisay go'aanka dawlada Kenya ay ku damacsan tahay inay ku xirto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Dhawaan ayaa dawlada Kenya ay shaaca ka qaaday in ay xiri doonto xeryahaas ayadoo sheegtay in qaxootiga halkaas kujira oo Soomaali u badan ay usoo jiidaan Kenya dhibaato ah amni darro.

Intaa kadib, Kenya ayaa la sheegay inay xidhay xafiisyadii Dhadhaab ee hayadeeda DRA ama Department of Refugee Affairs ee u qaabilsan amuuraha qaxootiga.

Hayadaha xaquuqul insaanka u dooda ayaa mar horeba walaac kamuujiyay arinta ay Kenya damacsan tahay ee ah xiritaanka xeryaahaa gaar ahaan kuwa caalamiga ah laba daraadle Human Rights Watch iyo Amnesty International.

Majirto caddeyn la hayo weli oo muujinaysa in qaxootiga halkaa kunool ay ammaanka wax u dhimaan; sidoo kale qaxootiga qudhooda ayaa ammaan uga haya Kenya cawimaada ay ufidinaysay tan iyo 1991 markii dawladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay.

Masuuliyiin Kenyan ah ayaa sidoo kale walaac xooggan iyana kamuujiyay arintaa ah xiritaanka Kenya ay damacsan tahay inay xirto xeryaha Dhadhaab.

Kenya ayaa waxaa kunool qaxooti ku dhow nus milyan Soomaali u badan.

Qore: Aaden M Warsame
[email protected]