4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 10, 2016
AL-SHABAAB: Waxaan fashilnay Weerar Xalay laga geysan lahaa Deegaanka Toora-toorow


Talaado, May 10, 2016 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab, ayaa sheegay inay ka hor-tageen weerar ciidammo Mareykan ah oo watay diyaarado ay xalay doonayeen inay ku qaadaan deegaanka Toora-Toorow oo ka tirsan degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Warar ay Al-shabaab ku baahisay barahooda ayay ku sheegtay in illaa 10-askaro oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ay kasoo degeen meel 6-km u jirta Toora-Toorow, iyaguna ay weerar culus ku qaadeen oo qorshahoodii ay fashiliyeen.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa dhankooda sheegay inay fashiliyeen isku dayga weerar ee Mareykanku uu la damacsanaa, iyagoo intaas ku daray in dagaal culus uu ka dhacay dulleedka deegaanka Toora-Toorow, taasoo keentay inay ciidamadaas dib u gurtaan.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamadaas ay ku qasbeen inay dib ugu laabtaan halkii ay markii horeba kasoo duuleen, ayna ka qabsadeen hub ay ka mid yihiin qoryaha garabka laga tuuro.

Ug dambeyn, Ma jirto hadal arrintan ku saabsan oo weli kasoo baxay Mareykanka, iyadoo sidoo kale, uusan jirin war ay arrintan kasoo saartay dowladda Soomaaliya, iyadoo dhawaanahan ay ciidammo gaar ah weerarro ku qaadayeen goobaha ay ku sugan yihiin saraakiisha Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya