4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2016
Maalinta Caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka ee 01-da May oo laga Xusay Muqdisho (SAWIRO)

Axad, May 01, 2016 (HOL) — Sannad kasta marka la gaaro 01-da bisha May, Waxaa laga xusaa Caalamka oo dhan Maalinta Caalamiga ee shaqaalaha, waxay ururada shaqaalaha iyo xaqlayaasha oo ah dadka bixiya fursadaha shaqo ay sameeyaan munaasabado looga hadlay shaqaalaha iyo sida ay laf dhabar ugu yihiin hab-sami u socodka shaqada.

Munaasabad lagu Xusayay Maalinta Shaqaalaha Caalamiga ah, ayaa maanta lagu Qabtay magaaladda Muqdisho waxaa munaasabadda soo qaban qaabisay wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshadda .

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa ugu qeb galay Magaalada Muqdisho Munaasabada 01-da May oo ah, Maalinta Shaqaalaha Adduunka, Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiintii ka Qayb-galay ayaa soo jeediyay Hadallo lagu dhiiri-gelinayo shaqaalaha soomaaliyeed waxa ayna sheegeen in xoog badan la galin doono sidii ay Shaqaalaha Soomaaliyeed ku heli lahaayeen sharci dhowra xaquuqdooda.

“Waxaan Maanta u Dabaal-dageynaa Maalintii Caalamiga ah ee Shaqaalaha ee 01-da May, waxaana u hambalyeyneynaa shaqaale-weynaha Dunida, gaar ahaan shaqaalaha iyo Xoog-satada Soomaaliyeed Meel kasta oo ay joogaan. Sida Ragga iyo Haweenka, Wiilasha iyo Gabdhaha Soomaaliyeed ee u taagan inay dib u soo celiyaan Soomaalinimo iyo mustaqbal la hubo oo xor ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlaya ayuu madaxweyne Xasan Sheekh intaas ku daray. “Shaqo kasta oo wax ku biirinaysa Mustaqbalkeena waa mid qiime leh. Ninka Geedaha qora ee sameeya kursiga aan ku Fariisanno, Macallinka ku fariista Kursigaas oo wax baraya Caruurteenna, Aabbaha dukaanka iibiya si ay ubadkiisu iskuul u aadaan dhammaan waxay hayaan shaqo qiimo leh, Qiimahaas wuxuu ka imaanayaa hufnaanta loo qabto shaqada iyo wax-tarka ay u leedahay dhisida Somalia oo sidaan ka wanaagsan.”

Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamadda muwaadiniintooda boqolkiiba 60 % illaa 70% lagu qiyaaso inay shaqo la’aan yihiin waxaa taas tusaale u ah dadka aanan tirada yarayn ee Sannad kasta ka Qalin-jabiya Jaamacadaha haddana aanan heysan wax Shaqo ah inkastoo ay jiraan shaqooyin ay bixiyaan hey’adaha dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay kuwa gaarka loo leeyahay, balse waxaa fursadaasi helo dad yar.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya