4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2016
Baarlamaanka oo diiday in muddo lagu kordhiyo Xilliga loo Qorsheeyay inay Doorashadu Dhacdo


Axad, May 01, 2016 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay in muddo laba bilood ah lagu kordhiyo xilliga ay dhacayso doorashada sannadkan 2016-ka la filayo inay dalka ka dhacdo, kaddib markii uu codsi Arrintaas ku saabsan uu u gudbiyay RW Somalia Cumar C/rashiid.

RW Shama’arke ayaa sheegay inuu kala hadlay arrintan guddoonka baarlamanka Somalia, isagoo xusay in tani ay imaan karto haddii cillado dhanka farsamadaha ay yimaadaan, inta hawsha doorashada lagu jiro.

“Waxaa rajeyneynaa inaan doorashada ku qabanno xilligii loogu talo-galay, laakiin haddii ay dhacdo iyadoo la shaqeynayo ay dhinaca farsamada wax ka suuro-geli waayaan waqti ayaa loo baahan doonaa. Aniga iyo hguddoonka baalamaanka ayaa wadahadalnay arrintan,” ayuu yiri Sharma’arke.

Dhanka kale, Codsiga RW Somalia ayaa ku qotomay in doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka bisha September ee sannadkan dib loo dhigo illaa bisha December ee isla sanadkan, taasoo baarlamaanku uu diiday.

Ugu dambeyn, Heshiiskii Doorasho ee Muqdihso lagu saxiixay ayaa dhigayay in laga qabto dalka doorasho bisha September ee sanadkan, iyadoo codsiga baarlamaanku diiday uu noqnayo kii ugu horreeyay oo xukuumaddu ay la timaaddo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya