4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 1 , 2016
Tirada Dhimashada ee Dabaq Shalay Nairobi Kudumay oo Sare u Kacday

Axad, Mey 01, 2016 (HOL)-Ilaa dhowr iyo toban qof ayaa inta la xaqiijiyay ku dhintay guri shalay dumay xaafada Huruma ee dhanka bari ee caasimada Kenya ee Nairobi.

Gurigaas oo dhowr dabaq ka koobnaa ayaa waxaa shaqaalaha gurmadka dagdaga ahi kasoo badbaadiyeen dad sare u dhaafay boqol qof. Dad badan oo kale ayaa ku dhaawacmay dhibaatadaas ayadoo ilaa iyo hadana lagu la'yahay dad sare u dhaafay 70 qof.

Waxaa la aaminsan yahay in weli dad badan ay burburka gurigaasi dumay ku hoos jiraan.

Roobab mahiigaan ah yaa dhawaan ka daa'aaya Nairobi iyo qeybo badan oo Kenya ah. Roobka ayaa la sheegay in gurigaa oo aan adkeyn uu wax usii dhimay kasoo da'aayay maalmahaan oo dhan.

Dad badan oo ku noolaa gurigaa dumay ayaa iyana ay haatan heysataa hoy la'aan sida laga soo xigtay Laan Kheyrta Cas ee Kenya ama Kenya Red Cross.

Maahan markii ugu horeysay ee guryo dumay ay dadi ku dhintaan caasimada Nairobi iyo qeybo kale oo katirsan Kenya. Guryo badan oo kale ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay inta ay dumeen dad badani ku naf waayeen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen ama ku curyaameen.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Nairobi, Kenya.