4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2016
Hawl-gallo dad lagu soo qabqabtay oo laga sameeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay


Axad, May 01, 2016 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, ayaa waxay ciidamada maamulka Koonfur-galbeed xalay ka sameeyeen hawl-galo lagu soo qab-qabtay rag lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Saraakiisha ciidanka maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegay in hawl-galka la sameeyay, kaddib markii ciidamada Nabad-sugida maamulkaas ay heleen xogo ku aadan inay gudaha Baydhabo soo galeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Tobaneeyo ruux oo lagu tuhmayo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin ayay Ciidamadu kasoo qabteen gudaha iyo dulleedka Baydhabo, iyadoo lagu sameeyay Baaritaanno dheeraad ah.

Dhanka kale, Ciidamada ayaa baaritaanka dadkii ay soo qab-qabteen waxay kala soo dhex-baxeen illaa lix qof oo lagu eedeeyay inay xiriir dhaw la leeyihiin Al-shabaab ayna wadeen isku dayo ay rabshado uga geysanayaan Baydhabo.

Ugu dambeyntii, Baydhabo ayaa waxay haatan Xarun u tahay maamulka Koonfur-galbeed iyadoo dhawaanahan ay degmadaas ka socdeen baaritaan ah oo lagu xaqiijinayo Amniga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya