DABA-GEED: Ergadii Shirka Jowhar loogu Talo-galay waa la dhameystiray cid kale looma baahna
Khamiis, Maarso 31, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka jeedinayay khubad shir looga hadlayay amniga, ayaa sheegay in ergadii loogu tala-galay inay ka qeyb-galaan shirka Jowhar la dhameystiray, isla markaana jirin cid kale oo looga baahan yahay shirka.
Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xili ka qeyb-galka shirka Jowhar si cad ugu gacan-seyreen duubabka gobolka Hiiraan oo uu hormuud u yahay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.
“Shalay haddii aan ku mashquulsanaa arinta maamul u sameynta labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, maanta waan soo jeedaa, ma aqbali doonno dadka doonaya in ay qal-qal galiyaan amniga magaalada, shirka Jowhar ergadii looga baahnaa waa tageen waana la dhameystiray, cid kale oo looga baahan yahay shirka ma jirto, dalka dowlad ayaa ka jirta ciddii ka hortimaada jidadka ayaan isku arki doonnaa'” ayuu yiri Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale, xusay in madaxweynaha maamulka Jowhar lagu soo dhisi doono lagu caleemo saari doono magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Waxaan doonayaa inaan bulshada u sheego degmada Jowhar maamul ayaa lagu dhisayaa, madaxweynaha maamulka waxaa lagu calleemo saari doonaa Beledweyne, cid arrintaa is hortaagi kartana ma jirto,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Ugu dambeyntii, guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay beellaha ku dhaqan gobolka in ay la shaqeeyaan dowladda FS, lana Aqbali doonin in magaalada lagu heysto hub aysan dowladda ka warqabin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya