4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2016
Madaxda Somalia oo ka hadlay geerida Wasiirkii hore ee Caafimaadka oo India ku Geeriyooday


Sabti, Maarso 26, 2016 (HOL) — Wasiirkii Caafimaadka DKMG-ka ahayd ee Soomaaliya, Dr. Aadan Xaaji Ibraahim ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla waddanka Hindiya, halkaasoo dhawaan caafimaad loogu qaaday, waxaana geeridiisa ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo RW Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

ALLAHA ha u naxariistee, Dr. Aadan Xaaji Ibraahim Daa'uud, Waxaa xilka Wasiirnimada loo magacaabay xilligii ay jirtay xukuumaddii KMG-ka ahayd ee uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo Sannadkii 2010-kii.

Marxuumka, ayaa muddo bilooyin ah cudur uga dhacay Beerka ugu jiray isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, Laakiise xilli dambe ayaa loo qaaday India si loogu soo daweeyo, balse amarkii ALLE ayaa xalay u yimid.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ku sugan ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Dr. Ibraahim Xaaji, wuxuuna qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday ALLE uga baryay Samir Iimaan.

“Allaha u raxmadee, anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyada Somalia iyo kayga, Waxaan murugada iyo tiiraanyada Geerida marxuum Aadan Xaaji Ibaahim Daa'uud la Qaybsanayaa qoyskiisii, eheladiisii iyo shacabka Soomaaliyeed. Ilaahayna ha ka abaal-mariyo wanaaggii iyo shaqadii uu Qaranka u soo qabtay’’, ayuu Xasan Sh.  Maxamuud ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale, RW Somalia Cumar C/rashiid Cali oo isaguna ka hadlay Geerida wasiirkii hore ee caafimaadka Soomaaliya, Marxuum Aadan Xaaji Ibraahim Daa’uud, ayaa ku tilmaamay mas’uul qayb weyn kasoo qaatay dib u soo kabashada waddanka, isagoo ALLE uga baryay Jannadiisa, ehelladii, Asxaabtii iyo Qaraabadii uu ka baxayna u Rajeeyay Samir iyo Iimaan buuxa.

Ugu dambeyn, Marxuum Dr. Aadan Xaaji Ibraahim ayaa Mas’uuliyiintii yaqaannay xilligii uu marxuumku wasiirka ahaa waxay ku sifeeyeen shaqsi karti-badan oo mar walba shaqada loo xil-saaray u taagan, isla daacadnimo ah ku shaqeynayay, balse mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Somalia ayaan marna soo hadal qaadin in marydka marxuumka dalka dib loogu soo celinayo si loogu aaso iyo in kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya