4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2016
Premier Bank oo Markii ugu horeysay taariikhda keenay Somalia adeegyada kaarka VISA (Sawiro)


Sabti, Maarso 26, 2016 (HOL) — Bangiga Premier ee Somalia, ayaa markii ugu Horreysay taariikhda keenay Somalia adeeegga kaararka ee VISA, taasoo la jaan-qaadaysa siyaasadda Bangiga ee ku saleysan in la xoojiyo isticmaalka hababka lacag-bixinta ee Casriga ah ee ay kaararku ka mid yihiin. Qaybta hore ee heshiiskan dhex-maray VISA & Premier Bank ayaa u Suuro-gelinaysa Macaamiisha haysta Card-ka Visa in ay ku Isticmaali karaan ATM-yada Premier Bank ee yaalla guud ahaan dalka.

“Waxaan aad ugu faraxsan-nahay in Bangiga Premier uu noqdo Macmiilkii ugu horreeyay ee adeeggeenna ka hirgeliya Somalia. Waxaana sii wadi doonaa inaan hormuud u ahaanno gacan-ka-geysashada dhisidda hay’ado maaliyadeed oo la isku halleyn karo, isla markaana fursad u siinaya qof kasta oo Somali ah. Waxaan rajeynayaa in wada-shaqaayntan Premier Bank ay dardar-geliso habka casriga ah ee lacag is weydaarsiga Somalia” ayuu Maamulaha Guud ee VISA ee Koonfurta iyo Bariga Qaaradda Afrika, Jabu Basopo.

Sidoo kale, wixii ka dambeeyay heshiiskaan, ATM-yada Premier Bank ayaa Macaamiisha wata kaararka VISA siinaya Adeegyada ay ka mid yihiin: lacag la bixidda iyo ogaanshaha haraaga xisaabaadkooda guud ahaan Soomaaliya.

Madaxa Premier Bank, Mahad Maxamed Axmed ayaa isna yiri: “Heshiiskan aan la galnay VISA wuxuu dar-dar-gelinayaa badashada isticmaalka hababka lacag-bixinta casriga ah ee Somalia iyo in ay Soomaali badan ku soo biiraan isticmaalka hababka Bangi ee Adduunka laga adegsado.”

“Premier Bank wuxuu sii wadi doonaa dadaalkiisa uu shacabka Soomaaliyeed ugu keenayo hannaan maaliyadeed oo casri ah, iyadoo bankigu horay u ahaa - bankigii ugu horereyay ee noociisa ah oo abid ka hir-geliya Somalia Adeegga karaka MasterCard,” ayuu mar kale yiri maamulaha Premier Bank.

Wuxuu mas’uulku intaas ku daray in Premier Bank Limited uu yahay mid Islaami ah oo ka haysta warqadda ruqsadda shaqo Bangig dhexe ee Somalia (License No. CBL2016-006), si uu u bixiyo adeegyo Bangi iyo kuwo maaliyadeed.

Maamulaha ayaa xusay in Bangiga uu hada bixiyo Adeegyo maaliyeed oo ay ka faa’iideys-taan dadweynaha, ganacsiyada yar-yar iyo waa-weyn ee gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha kala duwan.

Dhanka kale, Wuxuu sheegay mas’uulkan in Bankigu uu hadda ku hawl-galo afar laamood oo ku yaala magaalada Muqdishu, taasna waxaa bar-bar socda qorshaha uu Bankigu laamo cusub uga furayo Muqdishu iyo magaalooyin kale ee Somalia.

Ugu dambeyn, Adeegyada kaararka ayaa u sahlaya macaamiisha bankiga inay Lacagaha ku jirta xitaabtooda isticmaalaan meel kasta oo ay Adduunka ka joogaan. Wuxuuna maamulka Premier Bank uu horayba u ballan qaaaday, uu dhawaan soo kordhin doonaa Adeegyo kale oo ay bulshada Soomaaliyeed ku diirsan doonaan.

Wixii faahfaahin ah ee intaas dheer, fadlan booqo oo ka Akriso: www.premierbank.so

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya