4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2016
Maxkamada Sare ee Ciidanka Somalia oo Maanta mar kale DIL ku Xukuntay Xasan Xanafi Xaaji


Sabti, Maarso 26, 2016 (HOL) — Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa maanta mar kale ku xukuntay dil toogasho, Xasan Xanafi oo horay loogu xukumay dil toogasho, balse xukunkaas ka qaatay rafcaan, iyadoo maxkamaddu ay tuurtay rafcaankii uu qaatay Xasan Xanafi Xaaji C/salaan.

Xasan Xanafi ayaa loo haystay inuu ku lug lahaa dilal weriyayaal kala duwan Muqdisho ay ugu geysatay Al-shabaab iyo inuu ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab oo Dowladda Somalia iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kula jira dagaallo hubeysan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka sida ee Somalia, Col. Liibaan Cali Yaroow ayaa ku dhawaaqay xukunka toogashada ah oo Xasan Xanafi Xaaji ay mar kale ku ridday maxkamadda sare ee ciidamada Somalia.

“Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida ee Somalia waxay maanta xukun dil Toogasho ah ku ridday Xasan Xanafi Xaaji C/salaan oo 28-jir ah, xukunkan oo ah Qisaasta dilkii uu u geystay Sheekh Nuur Maxamed Abkeey,” ayuu yiri Col. Liibaan Cali Yaroow.

AKHRISO: Dilkii Xasan Xanafi ay horay ugu Ridday Maxkamadda Darajada 1-aad;

Wuxuu Marxuum Sheekh Nuur Abkeey, ayaa ka mid ahaa Hawl-wadeennadii ka Hawl-geli jiray Warbaahinta Dowladda Federaalka Somalia, iyadoo lagu dilay Muqdisho 05-tii Bishii May ee sannadkii 2010-kii xilli uu gurigiisa kusii socday.

Sidoo kale, Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka Sida ee dalka, ayaa 03-dii bishan Maarso dil toogasho ah ugu xukuntay Xasan Xanafi Xaaji, balse rafcaan ayuu ka qaatay, taasoo keentay in maanta mar kale xukun dil ah lagu riday.

Col. Liibaan Yaroow, ayaa sheegay in xukunka maanta ay Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku riday mar kale Xasan Xanafi uu yahay mid ay maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada ku raacday, isla markaana aan Rafcaan laga qaadan karin, balse ma uusan sheegin xilliga dilkan ay ku rideen lagu fulin doono.

Ugu dambeyn Xasan Xanafi X. C/salaan ayaa waxaa laga soo qabtay magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya dhammaadkii Sannadkii 2014-kii, iyadoo isla xilligaas loo soo gacan-geliyay ciidamada Nabad-sugidda Somalia oo tan iyo xilligaas xabsiga ku hayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya