4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2016
Bannanbax looga soo horjeedo Kooxda QM ee la socodka Hubka oo ka dhacay Muqdisho (Sawiro)

Sabti, Maarso 26, 2016 (HOL) — Kumannaan qof oo Somali ah ayaa maanta bannaan-bax looga soo hor-jeedo kooxda QM ee la socodka Cunno-qabteynta Hubka ee Saaran Somalia iyo Eritrea, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dibadbaxayaasha ayaa ka codsaday in madaxda Dowladda Federaalka Somalia ay qaadaan tallaabooyin ka dhan ah hanjabaadaha soo wajahaysa shaqsiyaad Soomaaliyeed iyo weliba hay’adahooda, kuwaasoo kaga imaanaya kooxda QM ee la socodka hubka Soomaaliya. 

Bannaan-baxaan, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay hoggaamiyaal caan ah oo ka kala socday bulshada rayidka ah oo ay ku jiraan ganacsato, aqoon-yahanno iyo ururrada xirfadleyda ah, ardayda Jaamacadaha, odayaasha-dhaqanka, haweenka, ururada dhalinyarada iyo culummo Soomaaliyeed. 

Sidoo kale, Dibadbaxan oo ka dhacay fagaaraha Dal-jirka Dahsoon ee Muqdisho waxay ku dalbanayeen shacabka dibadbaxayay in wax laga qabto xad-gudubka ay kooxda la socodka cuno-qabateynta hubka ee Somalia & Eritrea ee ka dhanka ah shaqsiyaadka Soomaaliyeed, kuwaasoo dalkooda u huray hantidooda in hadana lagu afla-gaadeeyo shaqsiyaadka; iyagoo ka faafinaya eedaymo aysan wax lug ah ku lahayn sida inay yihiin is-miidaamiyaal sida ay ku sheegeen warbixintooda. 

“Eedaymahan qariibka iyo meel ka dhaca ku ah saraakiisha dadweynaha, ayaa ah habab ay hoggaanka kooxda la socodka Soomaaliya iyo Eritrea ee hore iyo kuwa haatan,” ayuu yiri Muxyadiin Xasan Axmed oo ku hadlay magaca dhaqanka.

Dhanka kale, Mas'uuliyiintii Dibadbaxan ka hadlay ayaa sheegay in kooxda QM ee Cunno-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya & Eritrea ay si joogo ah u beegsanayaan inay hoos u dhigaan horumarka Somalia, iyagoo meel xun dhigaya, ayna weecinayaan xaqiiqaha ka jirta Soomaaliya.   

“Waa xilligii dowladeenna ay soo bandhigi lahayd xad-gudubka iyo ka hor-tagga khataraha soo wajahaysa kooxda la socodka Somalia iyo Eritrea ay ku hayso waddanka iyo Shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Daahir Xasan oo ka mid ah xubin ka tirsan bulshada Ganacsatada ah, kuwaasoo wax ka soo qaban qaabiyay isku soo baxan. 

Kooxda la socodka Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa la sheegay inay sii wadaan inay sumcad-dilaan shaqsiyaad aan waxba galabsan oo Somali ah, iyadoo aysan jirin wax lug ah oo ay ku leeyihiin eedeymaha loosoo jeedinayo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia golaha wasiirrada Xukuumadda iyo Xildhibaanada Baarlamaanka, ayay dibadbaxayaashu weydiisteen inay Golaha ammaanka ee QM, si deg-deg ah uga dalbadaan in la kala diro xubnaha kooxda la socodka Soomaaliya iyo Eritrea.

Halkan; Kasoo Rogo: Warbixintan Bannaanbaxan oo ku Qoran Luuqada Ingiriiska;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya