4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2016
Maamulka Puntland oo Maxaabiis kale oo cusub kusoo bandhigtay Degmada Qardho (SAWIRRO)

Sabti, Maarso 26, 2016 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa Maxaabiis ay sheegeen in ay kusoo qab-qabteen degmada Bandar-beyla kusoo bandhigay shalay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Maxaabiistan cusub ee lasoo bandhigay ayay tiradoodu ahayd 18. Waxaana Mas’uuliyiinta Puntland ay sheegeen inay ka mid ahaayeen xoogagii Al-shabaab ee ka dagaalamay Togga Suuj, kuwaasoo firxad ahaan ugu cararay deegaannada miyiga ee degmada Bandar-beyla.

Sarakaal u hadlay maamulka Puntland ayaa sheegay in soo qabashada xoogagan ay gacan ka siiyeen Dadka Reer Miyiga ah iyo Ciidamada Ammaanka ee Bandar-beyla, lagana soo qab-qabtay deegaannada xeebaha degmadaas ku dhaw.

“Waxaa maxaabiistaan lagu soo qabqabtay laba meelood oo kala duwan, kooxda koowaad Waxay isku soo dhiibeen si nabad ah; halka kooxda labaad oo gaaraya Siddeed Ruux ay la dagaalamaeen ciidamada amniga degmada Bandar-beyla, taasoo keentay inay saddex ruux oo laba askar ay ahayd iyo ruux ka mid ah xoogaga Al-shabaab ay ku dhaawacmaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Puntland oo goobta lagu soo bandhigay maxaabiistan ka hadlayay.

Maxaabiistan lasoo bandhigay ayaa waxay imaanaysaa xilli saraakiisha booliiska degmada Bandar-beyla ay sheegeen inay jiraan Kooxo kasoo baxsaday dhanka Togga SUUJ oo lagu raad-joogo.

Dhanka kale, Maxaabiistan ayaa la sheegay in lagu hayo xilligan xabsiga weyn ee degmada Qardho, kuwaasoo Saraakiisha Ciidamada Puntland ay sheegeen in ay u badan yihiin kuwo da’yar ah.

Ugu dambeyn, Maxaabiistaan cusub ayaa waxay tirada guud ee maxaabiista ay Ciidamada Puntland ku qabteen dagaalladii ay la galeen Xoogagga ka tirsan Al-shabaab ka dhigaysaa tiradooda guud 99 maxbuus.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya