4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2016
SAWIRRO: Abaal-marinno Shaqsiyaad Soomaali ah lagu Guddoonsiiyay Magaalada London, UK

Sabti, Maarso 26, 2016 (HOL) — Magaalada London ee caasimadda wadanka Britain ayaa lagu Guddoonsiiyay Abaal-marinno heer Caalami ah shaqsiyaad Soomaaliyeed oo qayb ka qaatay horumarinta bulshadooda, kuwaasoo isugu jiray ganacsato, cayaartoy & xubno kale.

Tartankan oo ahaa mid ay bulshada Soomaaliyeed codadkooda ka dhiibanayeen ayaa lasoo gaba-gabeeyay toddobaadkan, Waxaana Abaal-marinta ku guuleystay Shan qof oo Somali ah, iyadoo ay xafladda bixinta abaal-marintan ay goob-joog ka ahaayeen wasiirada Difaaca iyo Arrimaha Qaaradda Afrika ee dalka Britain, xubno ka tirsan baarlamaanka dalkaas iyo mas’uuliyiin kale.

“Ujeedka barnaamijkaan aan u sameynnay - waa sidii loo Dhiirri-gelin lahaa Shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee u taagan mar kasta sidii ay bulshada wax ugu qaban lahaayeen,” ayuu yiri C/risaaq Ciise oo ka tirsan ururka ATM, isagoo xusay in Sannad walba ay Qaban doonaan barnaamijyo noocan oo kale ah, kana ballaaran middan.

Sidoo kale, C/risaaq Ciise ayaa sheegay in shaqsiyaadka Abaal-marinta Nasiibka u yeeshay ay yihiin shan qof, kuwaasoo ay bulshada Soomaaliyeed u codeeyeen, isla markaana kartidooda iyo dadaalkooda ay kasoo dhex-saartay bulshadooda.

Haddaba, Abaal-marinnadaan oo ahaa kuwo loogu tartamayay dhanka Horumarka oo ay ka mid yihiin; Wax-barashada, Ganacsiga, Cayaaraha, Wax-qabadka iyo Madadaalada. Ayaa waxaa xubnihii ku kala guuleystay ay kala ahaayeen;


Waxbarashada: Xaawo Jaamac Cabdi oo ah gabar Soomaaliyeed oo araga naafo ka ah, waxna ka barata dugsiga Indhoolayaasha ee Hargeysa, inkastoo aysan ku sugnayn goobta ay xafladdu ka dhacaysay.

Ganacsiga: Shirkadda Dahab-shiil oo uu abaal-marinta u Guddoomay Mas’uulka ugu sarreeya maamulka shirkaddaas C/rashiid Ducaale, waxaana shirkadda lagu sheegay inay tahay mid kaalin weyn kaga jirtay horumarinta Somalia oo dhan.

Isboortiga: Cayaaraha ayaa waxaa isagana abaal-marinteeda ku guuleystay Mo Farah oo ah orod-yahan Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa u orda dalka Britain, iyadoo dadkii codka siiyay ay sheegeen inuu yahay shaqsi ay Soomaalinimadu ku weyn tahay.

Wax-qabadka: Waxaa iyadana dhanka waxqabadka ku guuleysatay hay’adda ADESO oo ka hawl-gasha Bariga Afrika, iyadoo hay’addan lagu sheegay inay qayb weyn ka qaadatay caawinta bulshada Soomaaliyeed.

Madadaalada: Waxaa iyadana dhanka Madadaallada ku Guuleystay Maxamed Cali oo ah Wiil Soomaaliyeed oo jila Filimmada, kaasoo la sheegay inuu kaalin weyn kaga jiro filimo sameynta dalka Britain.

Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Melbourne, Australia