4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2016
Qaraxyo ka dhacay Yemen iyo Ciraaq oo Sababay Khasaarooyin Isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac


Sabti, Maarso 26, 2016 (HOL) — Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Waddamada Yemen iyo Ciraaq ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 52-qofood, iyadoo sidoo kale ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen boqlaal kale.

Garoon lagu dheelo kubadda oo ku yaalla dalka Ciraaq ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 30-qof, iyadoo ay ku dhawaamaceen toddobaatameeyo kale, waxaana qaraxan la sheegay inuu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fuliyay qof miineysan.

Dhammaan shacabkii goobtaas ku dhintay iyo kuwii kale ee ku dhaawacmay, ayaa waxay daawanayeen cayaar ka socotay garoonkaas kubadda cagta ee weerarkan. Iyadoo xilliga uu qaraxan dhacayay koob la guddoonsiinayay kooxidii ku guuleysatay cayaartaas.

Waddanka Ciraaq ayaa waxaa tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii hore ee uu madaxda ka ahaa Saddaam Xuseen ka socday weerarro salka ku haya mad-hab, kuwaasoo u dhexeeya Shiicada iyo Sunniiyiinta dalkaas kuwada nool.

Sidoo kale, Weerar ay 3-qof oo miineysan la beegsadeen koontarool ku yaalla magaalada Cadan ee dalka Yemen, waxay ku dileen in ka badan 22-qof, iyadoo dadka dhintay ay ku jireen haween iyo carruur koontaroolkaas ka ag-dhawaa.

Mas’uuliyada weerarkan ayaa waxaa sheegatay kooxda Daacish, waxaana ay ka mid tahay magaalada Cadan ee weerarku ka dhacay magaalooyinka ay gacanta ku hayso dowladda itaalka-daran ee ka jirta Yemen.

Ugu dambeyn, Yemen oo ay u buuxsantay muddo sannado ah illaa markii ay Colaaduhu ka billowdeen, ayaa waxaa weli isku haya Awoodda Dalkaas kooxda Shiicada ee Xuuthiyiinta iyo Xukuumadda dalkaas ka jirta oo ay taageerayaan Quwado Carbeed.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Yemen Cabdul-rabbu Mansuur Haaddi, ayaa qaab Dibad-joognimo ah ugu Nool Saudi Arabia, inkastoo uu dhowr jeer oo hore tagay Cadan, haddana wuxuu dib ugu laabtay dalka Sucuudiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya