4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 25, 2016
Galmudug oo Maanta soo Bandhigtay Maxaabiis ay ku Qabteen Dagaalkii Al-shabaab (SAWIRRO)

Jimco, Maarso 25, 2016 (HOL) — Maamulka Galmudug ayaa maanta degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kusoo bandhigay 22-maxbuus oo ay xuseen inay kusoo qabteen Dagaal dhex-maray ciidamadooda iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Xubno ka tirsan mas’uuliyiinta Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay inay kusoo qabteen maxaabiistan dagaal ka dhacay deegaanno Bariga gobolka Mudug ku yaalla, kaasoo dhex-maray ciidankooda iyo dagaal-yahano ka tirsan Al-shabaab oo kasoo firxaday deegaannada Puntland.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliiska maamulka Galmudug, Cabdi Jaamac C/lle Xabeeb oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay maxaabiistan tiradoodu gaarayso 22-qof, ayna u badan yihiin dhallinyaro da’yar ah oo uu sheegay in lasoo qalday.

“Dhallinyaradaan waa kuwo lasoo qalday oo lagu yiri Janno ayaad galaysaan ee dagaallada ka qayb-qaata, laakiin waxaan u sheegayaa in aysan Janno ku galayn ee ay ku Mudanayaan Naar,” ayuu yiri taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Galmudug.

Sidoo kale, Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta ee Galmudug, Sh. Mursal C/raxmaan Axmed ayaa isagana sheegay in marka laga reebo Afar ruux oo ka mid ah maxaabiistan, ay intooda kale yihiin kuwo cimrigoodu ka yar yahay da’da 20-jirka.

Sh. Mursal ayaa dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab ugu baqay inay kasoo baxaan, isagoo u ballan-qaaday in la cafinayo, isla markaana loo sameyn doono dhaqan-celin, si ay bulshada ugu biiraan.

“Waxaan ugu baaqayaa Xoogagga ka tirsan Al-shabaab inay kasoo baxaan oo ay Nabadda qaataan, innaguna waxaan u ballan-qaadaynaa amni iyo in loo sameyn doono dhaqan-celin si ay bulshadooda mar kale ugu biiraan,” ayuu Sh. Mursal u sheegay warbaahintii uu kula hadlayay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Ugu dambeyntii, Maxaabiista ay maanta maamulka Galmudug soo bandhigeen ayaa waxay noqonayaan kuwii ugu horreeyay oo ay soo bandhigaan, iyagoo sheegay inay ka mid yihiin xoogaggii Al-shabaab horay uga soo dagaallamay deegaannada xeebaha-bari ee Puntland.

Xuquuqda Sawirrada VOA Somali;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya