4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 25, 2016
DHAGEYSO: Socdaalkii RW Somalia uu Maanta ku tagay xarunta Puntland ee Garoowe (Sawiro)

Jimco, Maarso 25, 2016 (HOL) — Wafdi uu hogaaminayay RW Somalia, Cumer C/rashiid Cali Sharma’ake ayaa maanta soo gaaray degmada Garoowe ee xarunta Puntland. Waxaana Garoonka ay kusoo dhawaeeyay; Madax uu ka mid ahaa; Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali, ku xigeenkiisa C/xakiin C/llaahi X. Cumar, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Axmed Cali Xaashi iyo Xubno kale.

Intaasi kaddib, Wafdiga Ra'iisul wasaaraha waxaa loo gudbiyay Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe, halkaasoo Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay si wadajir ah ugula hadleen Warbaahinta.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa sheegay in ujeedka socdaalka RW Somalia uu ku qotomo sidii Puntland iyo Dowladda Soomaaliya ay uga Wada-hadli lahaayeen Geeddi-socodka nabadda iyo marxaladda kala guurka ah ee uu ku jiro dalka.

DHAGEYSO: Hadalladii uu jeediyay Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli GAAS;

“Wafdi RW Sharma'arke, waxay noogu yimaadeen inaan ka wada-hadalno maraxadda kala guurka ah ee Soomaaliya ay ku jirto iyo Geeddi-socodka Nabadda Soomaaliya sidii loo sii ambaqaadi lahaa oo ay Puntland iyo dawladda federaalku Soomaaliya ay si wadajir ah uga shaqeyn lahaayeen in Somalia uu ka dhoco is-bedel u hiilinaya mustaqbalka Somalia” ayuu yiri Madaxweyne C/weli Gaas.

Sidoo kale, Madaxweyne Gaas ayaa sheegay inay RW Sharma’arke ka wada-hadli doonaan arrimaha amniga oo ay qayb ka tahay guulihii ciidamada Puntland ay ka  gaareen dagaladii ay la galeen Al-shabaab, sidoo kale dhaqaalaha ayuu xusay C/weli Gaas inay kawada hadli doonaan.

DHAGEYSO: Hadalladii uu jeediyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Sharma'arke;

RW Sharma’arke, ayaa dhankiisa bogaadiyay guulihiii ciidanka Puntland ay kasoo gaareen dagaalladii ay la galeen xoogagii Al-shabaab ee kusoo duullay qaar ka mid ah deegaannada Xeebaha-Bari ee Puntland.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa xusay inay Puntland kawada hadlayaan Masiirka Ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga bixi lahaa Xilliga kala Guurka ah ee waddanku ku jiro, loogu jihayn lahaa meel wanaagsan.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo-Soomaaliya