4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 25, 2016
Halkan ka aqriso Nuxurka qudbadihii laga jeediyay Shirkii dib u heshiisiinta Kismaayo [Sawirro]


Jimco, Maarso 25, 2016 (HOL) —Shirkan oo soo bilowday 20-ka bishii Febraayo ee sanadkan ayaa maanta lasoo afmeeray ayadoo laga soo saaray war murtiyeed ka koobnaa 14 qodob, kaa oo ay ku heshiiyeen dhinacyadii uu wadahadalku u dhexeeyay.

Shirkan ayaa markii hore ku bilowday shir wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Sade oo wax ka tabaneeysay Jubaland oo ku sugnaa Muqdisho iyo siyaasiyiinta ka tirsan maamulka Jubaland oo isla beeshaasi kasoo jeeda, waxaana ujeedku ahaa in aragti mideeysan ay ka yeesheen hannaanka dowladnimo ee Jubaland.

Siyaasiyiintani ayaa dood dheer iyo kulamo badan kadib isku soo afgartay ilaa 14 qodob oo ay kusoo koobeen tabashooyinkooda, kuwaa oo ay u gudbiyeen masuuliyiinta Jubaland, waxaana madaxda Jubaland ay sheegeen in ay la qaateen dhammaan qodobadaasi.

Nuxurka qudbadihii madaxda ay ka jeediyeen shirka ayaa ahaa sidan;

Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag


“Mudadii uu shirkan socday, waxyaalihii diirada la saarayay waxay ahaayeen midnimo, isku duubni iyo wax wadaqabsi, qodobada ugu muhiimsan intaa ayay ahaayeen, Insh’allah Madaxweeyne adiga iyo masuuliyiinta kala gedisan ee shirka iyo marwooyinka kasoo qeybgalay, waxaan idin cadeeyneynaa shirkii mar hadii uu guuleystay, hanaga harto beel beelaha kamid ah ayaa Jubaland bannaanka ka taagan, hanaga harto looma dhamo iyo waa laga maqanyahay”

Siyaasi Max’uud Sayid Aadan


“Isfahankayaga wuxuu kasoo biloowday mudo sideed bilood ah kahor, geedo yar yar baanu soo fariisannay, intaynan geedka weyn iman, waxaa kamid ahaa kii Doolow oo madaxweeynuhu noogu yimid sanadkii hore bishii 8-aad bilowgeedii, waxaa ku xigay mid  kaloo xamar aan fariisannay, aad baan ugu mahadcelinayaa madaxweeynaha iyo hogaanka Jubaland waqtiga ay siiyeen, in la wada hadlo, la heshiiyo, la is afgarto. Annaga caruurteenna iyo waalidiinteennu waxay naga sugayaan nabad iyo horumar inaan helno, nabaddaa iyo horumarkaa waxay ku iman kartaa anagoo isku calool ah oo u jeesanno danta guud inaan meelmarinno.”

Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/waaxid Cilmi Goonjeex


“Heshiiskan waa la galay, waa la qaatay, waa niyad, waa dhab, ilaahayna ha hirgeliyo, heshiisna waa kii hirgala, mid qoran maahan, waa kii hirgala oo la qaato, kuligeen, dhammaanteen reer Jubaland-na inuu hirgalo ayaan diyaar u nahay, ilaahayna ha inoo hirgeliyo tabarteenna iyo dadaalkeenuna aynu ku darno.

Waxaa intaa ii wehliya, umadda Soomaaliyeed guud ahaan waxaan leeyahay, umadda Soomaaliyeed waxaa ilaahay ogyahay ciidan ajnabi iyo caqli ajnabi iyo calaf ajnabi, midna inay dowlad noqoto oo sharaf yeelato oo karaamo yeelato, Allaa igu og baysan ku gaareyn, sababtuna waxa weeye duniduba kama dhicin, wax adduunka ilaahay sameystay weli ka dhacay maahan, wax la sugayana maahan,  sidaa darteed, waxaanu rajeeyneynaa inaanu isu tashanno hadaanu Soomaali nahay.”

Siyaasi Cabdi Shire Warsame


“Heshiiiskan looma sameyn in cid la isugu baheeysto, waxaa loo sameeyay in bulshada Jubaland la mideeyo, looma sameyn in cid kale xaqeeda lagu qaato, waxaa loo sameeyay in cid waliba ay xaqeeda hesho. Heshiiskan oo ka kooban 10 qodob, waxaa uu dhinacyadu saarayaa waajibaad la doonayo in sida uu yahay loo guto, waxaan kalsooni buuxda ku qabnaa in guud ahaan dowlad goboleedka Jubaland gaar ahaan madaxweeynaha Axmed Max’ed Islaam uu si gaar ah isaga xilsaari doono habsami u dhaqangelinta heshiiskani.”

Wasiirka arimaha bulshada Jubaland Macalim Max’ed Ibraahim

“Madaxweeynuhu wuu mahadsanyahay meel fiican buu wax soo gaarsiiyay, wuu soo hogaamiyay, waxaan rabnaa wuxuu gaaray ee lagu heshiiyay in uu fuliyo, idinkana waxaan rabnaa wixii aad ku hadasheen inaan wax kasoo noqonin, markaas waxay ku dhamaaneeysaa guul iyo isdhexgal iyo baraare.”

Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam

“Arinta Soomaaliya maanta waxay mareeysaa marxalad adag oo kala guur ah horaa idinku sheegay siyaasiyiintii damacoodii iyo tuhunkii iyo hamigoodii wuxuu noqday 2016 yaa soo baxaya, kan baarlamaanka ahi aniga waqti kordhin halay siiyo oo baarlamanku hasii jiro, kan Excutive-ka ahi sideenna aan kusii jirno oo aan sii durugsanno, sidaan ha haato, wadankiina ilmo bad ku dhaca, hooyo agoontoowday, carruur yaryaroo lagu xasuuqay meel, dhibaato, abaar, webigii shabeelle oo aad garaneeysaan waqtigii ugu danbeeysay inuu guro oo dhexdiisa meelaha qaar banooni lagu cayaarayo, halkaasaan mareeynaa. Waxa aan taagannahay iyo siyaasiyiinta iyo waxa yaalla iyo macal beesha caalamka waxa laga hadlayo, ninkastoo kula soo hadlo, wuxuu kaala hadlayaa, April shirka hala qabto, 2016 halaga hadlo, yaa masuul noqonaya, xageey ka imaaneeysaa, kee yeeleeysaa, wadankii iyo dadkii oo dhanna gacantay ka baxayaan.
Waxaan aad usoo dhaweeynayaa, dadkii halkan kuwada hadlayay, ama gogol hoosoo gaar ah ha noqoto, ama mid guud ha noqoto. In la heshiiyo, in lawada hadlo, in la tashado, in lays afgarto, waa shay diinta kamida, waa wax diintu ina fareeyso, Soomalinimaduna ina fareeyso, ma ahan waxa maanta halkan laga aqrinayay wax qoys loo aqrinayay, wax qoys loo daneeynayay, dan qoys maysan ahayn, waxay ahaayeen qodobadu kuwo guud ahaan Jubaland, haday dadku u qaataan qodobadan inay yihiin wax lasoo qortay oo reer loo aqrinayay, maysan ahayne, kuwa qorayay iyo ka hadlayay iyo qoyska laftiisu, waxay ka hadlayeen waxay ahayd maxaa dan gobolka u ah, war cadaalad halawada sameeyo, xuquuqdana haloo sinnaado, wax cid gooni ah wadato ama cid gooni uga hadleeysaa ma ayan jirin.”

Intaasi waxay ahaayeen nuxurka qudbadihii ay qaar kamid ah madaxdii ka qeybgashay shirka ay ka jeediyeen, waxaana xusid mudan in shirkan uu kusoo dhamaaday jawi dagan oo is afgarad ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.