4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 25, 2016
Golaha Ammaanka ee QM oo Xilligii Hawlgalka u kordhiyay Xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM

Jimco, Maarso 25, 2016 (HOL) — Golaha Ammaanka ee QM, ayaa muddadii hawl-galka u kordhiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia [UNSOM], iyadoo muddada uu shaqeynayo la gaarsiiyay illaa 31-ka Maarso, 2017-ka oo ah sannadka soo socda.

Xubnaha Golaha Amaanka ee QM, ayaa sheegay in xafiiska UNSOM ee Somalia uu yahay mid hawlo muhiim ah ka haya Somalia, waxayna xuseen inuu gacan ka siiyo Dowladda FS hawlaha xasillinta iyo dib u heshiisiinta, waxayna ku xuseen warbixintooda in sidoo kale uu Xafiisku gacan ka geysanayo sidii ay uga dhici lahaayeen Somalia daba-yaaqada sannadkan 2016-ka doorasho.

Sidoo kale, Golaha Amaanka ayaa soo dhaweeyay ballan-qaadkii Madaxweyne, Xasan Sh. Maxamuud ee ahaa in dalka ay doorasho hufan ka dhacayso sannadkan lagu jiro ee 2016-ka daba-yaaqadiisa. Waxayna ugu baaqeen dhammaan madaxda maamullada dalka ka jira inay taageeraan go'aankii laga soo saaray Muqdisho ee ku aadanaa hannaanka doorasho ee dalka ka dhici doonta.

Waxay kaloo, Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM sheegeen inaan la aqbalayn in Dowladda Federaalka Somalia aan wax muddo ah loogu kordhin karin xilligeeda shaqo, ayna tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo markii la gaaro dhammaadka xilli-hawleedka Dowladda hadda shaqeynaysa.

Golaha Ammaanka ayaa dhinaca kale, hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay Xoojinta hay’adaha ammaanka Somalia, gaar ahaan dhimashada Cciidamo Qaran oo awood leh, isla markaana la Dar-dar-geliyo hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay iska Kaashanayaan ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM.

Dhanka kale, Xubnaha Golaha Amaanka ee QM ayaa waxay cambaareyn dusha uga tuureen weerarrada ay Somalia ka geysanayso Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo ay ku tilmaameen in ay sii kordhinayaan walaaca dhanka amniga ah ee ka jira Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wuxuu Goluhu walaac ka muujiyay xaaladaha baani’aadamnimo ee xilligan ka Taagan Somalia, iyagoo ku baaqay in Gacan laga geysto sidii loo caawin lahaa Dadka ay saameynta ku yeesheen abaaraha gobollada Somalia ka taagan xilligaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya