4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 25, 2016
Wafdi uu Horkacayo RW Somalia oo goor-dhow gaaray Magaalda Garoowe ee Xarunta Puntland


Jimco, Maarso 25, 2016 (HOL) — Wafdi uu Hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa goor-dhow ka dagay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Xubnaha wafdiga RW Somalia oo isugu jira labada gole ee xukuumadda Somalia ayaan la ogeyn illaa hadda qorshaha ka dambeeya safarka ay maanta ku tageen Puntland, laakiinse wararka qaarkood ayaa sheegaya inay la xiriirto hannaanka 4.5-ka ee lagu saleeyay doorashooyinka dalka dhici doona dhammaadka sannadkan.

Sidoo kale, Safarka RW Somalia iyo wafdigiisa ayaa kusoo beegmaya xilli xukuumadda FS ay soo dhaweysay guulihii ciidanka maamulka Puntland ka gaareen dagaalladii ay dhawaan la galeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya, in RW Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas] ay si qoto-dheer uga wada-hadli doonaan arrinta ku saabsan doorashooyinka ka dhacaya Somalia, inkastoo madaxweynaha Puntland uu horay u sheegay inaysan aqbalayn nidaamka doorasho ee 4.5-ka ah.

Kala soco HOL wararka ku saabsan booqashada RW Sharma’arke iyo wafigiisa ay ku tageen maanta xarunta Puntland ee Garoowe, haddii EEBBE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya