4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 25, 2016
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta Gaaray Beledweyne

/images/2016/Mar/2016325635944867848273249Xasan_Sheikh_Baladweyne_Somalia_660.jpgJimco, Maarso 25, 2016 (HOL) — Waxaa goor-dhaweyd gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga Madaxweynaha Somalia ayaa waxaa ka mid ah; Wasiirka Amniga, C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka, Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Maxamed C/llaahi Xassan Nuux, iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubno ka tirsan labada golle ee dowladda iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha wafdiga madaxweynaha oo loo soo galbiyay xarunta maamulka gobolka.

Sidoo kale, lama oga ujeeddada rasmiga ah ee ka dambeysa safarka madaxweyne Xasan oo safarkiisan noqonayo kii saddexaad oo uu Magaalada Baladweyne ku tagay tan iyo markii uu soo if-baxay khilaafka ka taagan dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Wixii warar ah ee kusoo kordha safarka Madaxweynaha uu maanta ku tagay Baladweyne, waxaad kula socon doontaan wararka HOL ee soo socda haddii ALLE ogolaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya