4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2016
SAWIRRO: Xaflad Xisbiga Badbaadada Ummada Soomaaliyeed Maanta loogu Qabtay Muqdisho

Khamiis, Maarso 24, 2016 (HOL) — Munaasabad lagu Taageerayay Xisbiga Badbaadada Ummadda Soomaaliyeed, ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay kasoo qaybgaleen culummaa'uddiin, aqoon-yahanno, odayaal dhaqameed iyo qaybaha bulshada.

Xisbigan waxaa guddoomiye ka ah, Sheekh Muuse Sheekh Caalin, iyadoo dadkii ka Qayb-galay xafladda lagu taageeray xisbiga ay kula dar-daarmeen madaxda xisbiga inuu ka qeyb qaato xisbigooda samata-bixinta iyo badbaadinta Ummadda Soomaaliyeed.

Sh. Cumar Maxamuud Wardheere (Xerow), oo ku hadlayay codka guddoomiyaha xisbiga, ayaa sheegay in xisbigu u baahan yahay taageero weyn, isagoo xusay in Xisbigu ka yimid bulshada, uuna bulshada u shaqeynayo. Isagoo sheegay in xisbigu uu doonayo inuu dalku horumar gaaro, isla markaana la helo waddo uu dalku uga baxo dhibaatada.

Xubnihii ka hadlay xisbiga waxaa ka mid ahaa, Sheekh C/qaadir Soomow, isagoo sheegay in xisbigan uu huwan yahay magac ka turjumaya baahida ummadda oo in la badbaadiyo ay muhiimad weyn leedahay.

"Waxaan xisbigaan uga baahi badan-nahay in Waddankeenna la bad-baadiyo, iyadoo laga badbaadinayo; jahliga, amni-darada, cudurrada, colaadaha IWM. Ruux kasta oo muwaadin ahna waxaa maskaxdiisa kusoo dhacaya ummad dhan in la badbaadiyo," ayuu yiri Sheekh Soomow, oo ugu baaqay xisbiga inuu dalka ka badbaadiyo Afkaaraha qaldan ee dadka lagu laynayo, uuna Somalia u horseedo dib u heshiisiin, waxbarasho iyo in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha.

Prof. Cumar Maxamed Caddoow oo isna ku hadlay magaca aqoon-yahanada, ayaa sheegay inay taageerayaan xisbiga, isagoo xusay in xisbi uu ka mid yahay dimuqraadiyad ee Wadan lagu maamulo, isla markaana saldhig u ah rabitaanka dadweynaha.

"Xisbi, Wuxuu ka mid yahay nidaamka Dimuqraadiyadeed oo dal lagu maamulo. Waxaana saldhig u ah rabitaanka shacabka. Xisbigaan waxaa hoggaaminaya dad culummo ah, waana taageereynaa aragtida xisbigan," ayuu yiri Prof. Caddoow.

Ugaas C/qaadir Ugaas Xuseen ayaa isna munaasabada ka sheegay inay soo dhaweynayaan xisbiga, isagoo intaas ku daray in guddoomiyha xisbiga uu isku darsaday labo maado; ayna aqoontiisa ku ixtiraamayaan, isagoo sheegay bahda culumada kasoo jeedo.

Dhanka kale, Sh. Saciid Daahir Sh. Maxamed oo ku hadlayay magaca Xisbiga Badbaadada Ummadda Soomaaliyeed, ayaa Faahfaahin ka bixiyay ujeeddada loo Aas-aasay xisbiga iyo meesha uu hiigsanayo.

"Xisbigaan waxaa loo sameeyay waxyaabo badan oo lasoo arkay, badankood waa rumoobi waayeen. Xisbiga hal-ku-dhigiisu Waa; cadaalad, sinaan, midnimo, horumar iyo barwaaqo, hoggaankiisa waa shaqsi dhal culummo ah, taasoo ay u wehliso inuu yahay ruux leh aqoon maadi ah, uuna yahay shaqsi lagu yaqaano u dhimrinta bulshada jilicsan, waxaana la idinka doonayaa inaad taageertaan, si dhibaatada looga baxo," ayuu yiri Sheekh Saciid Daahir.

Ugu dambeyn, Xubnihii ka qayb-galay xafladda taageerada ah, ayaa waxay dhammaantood sheegeen inay soo dhaweynayaan xisbiga, iyagoo u rajeeyay inuu noqdo midkii hoggaamin lahaa dalka, ummadda Soomaaliyeedna u horseeda Midnimo, cadaalad, horumar iyo Amni.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya