4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2016
SAWIRRO: Madaxweynaha Puntland oo Maanta tagay Aaggii lagu dagaalay ee deegaanka Garacad

Khamiis, Maarso 24, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, ayaa maanta booqasho ku tagay goobihii lagula dagaallamay xoogagii Al-shabaab ka tirsanaa ee gaaray 14-kii bishan deegaanka Garacad iyo deegaano kale oo xeebaha-bari ee Puntland ka tirsan.

C/weli Gaas iyo wafdigiisa ayaa goobahaas uGu tagay ciidammo ka tirsan kuwa Puntland ee dagaallada la galay xoogaggii Al-shabaab, isagoo ku bogaadiyay guushii ay ka gaareen dagaalka.

Sidoo kale, Ciidamada Puntland ayaa wafdiga u soo bandhigay saanad ciidan oo noocyada kala duwan ee hubka, kuwaasoo ay sheegeen inay ka qabsadeen xoogaggii Al-shabaab ee ay la dagaallameen, waxay kaloo soobandhigeen 46 maxbuus oo ay ku qabteen dagaallada.

Madaxweynaha Puntland iyo taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland, Jen Siciid Maxamed Xirsi ayaa shir jaraa’id oo ay ku faah-faahinayaan hawl-galkii deegaannadaas ka dhacay, iyagoo warbaahinta looga warbixiyay wixii ka ee khasaare ah dagaalladaas.

Jen. Siciid Dheere, ayaa sheegay in hawlgalkii ciidanka Puntland ay kaga jireen Garacad la soo afjaray, isla markaana ay kaga dileen kooxihii soo duulay 208=qof, ayna kasoo qabteen 46 maxbuus, sidoo kalena saanad ciidan oo tiradeedu ahayd 165-qori oo isugu jirta; BKM, AK47, baasuuke, RPG 7, qalab kale oo ahaa kuwa qarxa ay ku furteen dagaalka iyo agabka loo isgaarsiinta ciidamada ah.

Dhanka kale, Mar uu ka halayay Khasaaraha kasoo gaaray Dagaalladaas ciidanka Puntland ayuu Jen. Siciid Dheere sheegay inay kaga dhinteen 20 askari iyo halka 60 askari oo kalena ay kaga dhaawacmeen.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa isna shirkaas jaraa’id ka sheegay in guulihii ay ka gaareen Ciidamada Puntland Dagaalladii ay la galeen xoogaggii Al-shabaab la galeen ay muujinayso awoodda ay leeyihiin ciidamada Puntland.

“Puntland, waxay daryeeli doontaa agoomihii ay ka tageen ciidamadii ku dhintay dagaalkii ay deegaanadooda iyo shacabkood ku difaacayeen, aysana weligood illoobayn kaalintoodii wanaagsanayd,” ayuu yiri shirka jaraa’id ka yiri C/weli Gaas.

Ugu dambeyntii, C/weli Gaas ayaa hadalkiisa ku sheegay in dagaallada Al-shabaab ay kula jirto ummadda Soomaaliyeed uusan ahayn mid xambaarsan fikir, looga baahan yahay inay shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay meel uga soo wada-jeestaan sidii kooxdan looga cirib-tiri lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, Deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa waxaa lasoo sheegayaa in Xaaladeeda nololeed ay caadi tahay, isla markaana ay maanta dib uga billowdeen Hawl-maalmeedyadii caadiga ahaa sida kalluumeysiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya