4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2016
Shirkii Wasiirada XFS oo looga Hadlay Dagaalkii Puntland iyo Socdaalkii RW ku tagay Baladweyne


Khamiis, Maarso 24, 2016 (HOL) — Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay kulan uu shir-gudoominayay RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen xaalada amni ee dalka, booqashadii uu RW Sharma’arke ku tagay Talyaaniga iyo Beledweyne, Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Amniga Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka Warbixiyey Amniga, isagoo xusay in dowladdu ay xoojinayso howlgalka ka dhan ka ah Al-shabaab, wuxuuna ka hadlay dagaalkii dhex-marey ciidanka Puntland iyo Al-shabaab.

Kulanka ayaa lagu boggaadiyay ciidamada Puntland sidii ay dagaallada ula galeen kooxaha argagixisada, kuwaasoo ay sheegeen inay ugu dambeyntii dagaaladii uga guuleysteen, kana saareen deegaannadii ay galeen.

RW Sharmaarke, ayaa isagana ka warbixiyey safarkii uu ku tagey dalka Talyaaniga, isagoo sheegay in Talyaaniga ay kala hadleen sidii maal-gashi loogu sameyn lahaa Somalia. Sidoo kale RW Somalia ayaa xusay booqasho labo maalin oo uu ku tagay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan; in Odayaasha deegaanka uu kala hadlay ka Qayb-galka Shirka Jowhar ee maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe lagu dhisayo.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirada ayaa ka hadlay abaaraha ka jira qaar ka mid ah gobollada dalka, iyagoo baaq u diray cid kasta oo gacan ka geysan karta sidii shacabka ay abaaruhani saameeyeen loo caawin lahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya