4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2016
Dufcaddii 15-aad oo Wiilal iyo Gabdho ahaa oo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Muqdisho (SAWIRRO)

Khamiis, Maarso 24, 2016 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo ay ka qayb-galeen qaybaha bulshada Soomaaliyeed - sida: Bahda waxbarashada, Ganacsatada, isgaarsiinta, waaliddiin, maamulka, macallimiinta iyo ardayda Jaamacadda Muqdisho, ayaa Hotel Shaamow maanta lagu qabtay, taasoo ay ku qalin-jabinayeen Dufacaddii 15-aad oo ka Af-laxay Jaamacadda.

Munaasabadda, ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay mas’uulka tirsan Jaamacadda Muqdisho kana mid ahaa Gudigga qaban-qaabada munaasabada, Cali Daahir Maxamed  ayaa sheegay in Ardayda maanta qalin-jabisay ay ka kooban yihiin laba qayb oo kala ah; kuwo ka Qalin-jabiyay Shahaadada Koowaad oo gaaraya - 430-arday oo ka baxay Toddobada kulliyadood oo ka mid ah sagaalka kulliyadood ee ay ka kooban tahay Jaamacadda Muqdisho iyo kuwo kale oo shahaadada labaad ee Master-ka ka qalin-jabiyay oo gaaraya 98-arday oo wiilal iyo gabadho isugu jiray.

Dr. Cali Baashi Cumar oo ka mid ah gudigga sare ee Jaamacada ayaa isna u hambalyeeyay Ardayda qalin-jabiyay maanta, isagoo yiri ‘Ummadi hormar waxay ku gaari kartaa cilmiga, waana tan maanta aan u joogno halkan’ isagoo dhanka kalena Ammaanay horumarka ay ku tallaabsatay Jaamacadda Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa isagana xafladda ka hadlay Hormuudka daraasaadka sare ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cilmi Dhuxulow Gacal, isagoo ardaydii qalin-jabiyay u sheegay in ummada lasoo hagi jiray, balse maanta ay Hagid iyo Hoga-tusaaleyn looga fadhiyo, taasoo uu xusay inay tahay midda ay wax u baranayeen.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir, ahna guddoomiye ku xigeenka Daladda Somali RAN oo ah Dalladda Waxbarashada iyo Cilmi-barista Somalia oo ay ku mideysan yihiin Qaar ka mid ah Jaamacadaha Somalia ka jira, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar, ayaa ka sheegay xaflada in Jaamacada Muqdisho ay ka mid tahay kuwa ugu fir-fircoon Dalladda Somali RAN, kana mid tahay aas-aasayaasheedii, isagoo ku Amaanay inay ahayd Jaamacadihii ugu Horreeyay ee dagaalladii sokeeya kaddib dalka laga furay, ayna noqotay tusaale lagu daydo.

Munaasabada waxaa soo xiray guddoomiye ku xigeenka arrimaha maamulka Jaamacadda Muqdisho, Dr, Ibraahim Maxamed Mursal oo isagana ka sheekeeyay marxaladihii ay soo martay Jaamacadda iyo meesha ay higsanayso mustaqbalka.

Ugu dambeyn, Waxaa munaasabada laga soo jeediyay waxyaabaha mustaqbalka dhaw iyo kan fogba ay tiigsanayso Jaamacadda Muqdisho, kuwaasoo kala ahaa;

1. Tayeynta iyo kor u qaadidda Heerarka Waxbarashada Jaamacadeed.
2. In Macallimiinta Jaamacadda ay noqdaan kuwo haysta PhD, 25-ka sano ee soo socda
3. Manhajka Waxbarashadana in kor loo qaado.
4. Ummaduhu cilmi ayay ku horumaraan, waana cilmiga la karaameeyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya