4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2016
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug oo ka hadlay Dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab


Khamiis, Maarso 24, 2016 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka maamul-goboleedka KMG ah ee Galmudug Maxamed Xaashi Carrabey ayaa ka warbixiyay dagaallo ay ciidamadooda la galeen maanta xoogag ka tirsan Al-shabaab, isagoo xusay in dagaalladan ay ka dhasheen khasaare xooggan oo labada dhinac ah.

Isagoo u warramayay BBC-da ayuu sheegay in dagaalladu ay ka dhaceen dhawr aag oo ka tirsan Deegaannada Galmudug, isagoo ka Xusay dhinaca Bariga gobolka Mudug iyo kuwo kale ku dhaw degmada Xarardheere.

“Dagaalladu waxay ka dhaceen deegaanno kala duwan. Runtiina waxaa labada dhinacba ka soo gaaray khasaare. Waxaana kuu xaqiijin karaa in aanu gacanta ku hayno 10 Maxbuus oo aan Al-shabaab ka qabanay,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Carrabeey.

Sidoo kale, Ma la weydiiyay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Khasaaraha ka dhashay dagaalladan wuxuu ka og-yahay, ayaa ku jawaabay. “Dhankeenna dhawr Askari ayaa naga dhaawacmay, balse dhankooda ma garan karo dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray.”

Waxaa kaloo madaxweyne ku xigeenka la Weydiiyay awooda Xoogaggaan Al-shabaab ka tirsan ee kasoo firxaday Puntland oo dagaalka ay kula jiraan, ayaa sheegay in aysan ahayn kuwo awood leh, balse ay yihiin kooxo firxad ah oo kasoo cararay Deegaannada Puntland ee dagaalku ku qabsaday.

“Mar walba waxay isku dayayaan inay waddooyin furtaan oo ay dib ugu laabtaan goobihii ay markii hore ka yimaadeen, inaguna taas ayaan ka hor-taagan-nahay, mana ogolaanayno inay dariiq helaan… waxaana qorsheheennu yahay inaanu ka dhigno, kuwo dhintay, kuwo dhaawacmay iyo kuwo la qabto.”

Su’aal kale oo la weydiiyay Mudane Carrabey ayaa waxaa kaloo la weydiiyay su’aal ahayd in maxaabiista uu sheegay inay ku qabteen dagaalladii ay Al-shabaab la galeen inay ka mid yihiin kuwo ay da’doodu yar tahay; wuxuuna kaga jawaabay in uusan weli arag, uusana ku sugnayn deegaannada lagu dagaallamayo.

Dhanka kale, Wararka laga helayo deegaannada ay dagaaladu ka socdaan ayaa sheegaya in dagaalladu ay weli socdaan, inkastoo aan weli la ogeyn khasaaraha ka labada dhinac kasoo gaaray, iyadoo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ay horay u sheegeen inay dagaalkaas ku dileen 20 ka tirsan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa kaga dhawaaqay maanta degmada Gaalkacyo dagaal ka dhan ah xoogaggii Al-shabaab ee kasoo Cararay deegaannada Puntland, isagoo Shacabka reer Galmudug ugu baaqay in ay qayb ka qaataan dagaalladaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya