4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2016
Jubaland oo sheegtay in howlgallo ay ka sameeyeen duleedka Kismaayo ay Khasaare ku gaarsiiyeen Al-shabaab
Khamiis, Maarso 24, 2016 (HOL) — Masuuliyiin ka tirsan Jubaland ayaa sheegay in howlgallo ballaaran oo ay ka sameeyeen duleedka Galbeed ee magaalada Kismaayo ay ku bartilmaameedsadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayeen deegaano  hoostaga degmada Kismaayo islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Afhayeenka nabadsugidda Jubaland Axmed Max’uud Max’ed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerar culus ay shalay gelinkii danbe ku qaadeen deegaanka Buuloxaaji oo qiyaastii 90 KM dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo.

Masuulkan ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen afar ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab sidoo kalena ay dhaawaceen gudoomiyihii deegaanka Buuloxaaji ee Al-shabaab.

“Gudoomiyihii Buulo Xaaji Xasan Cadde nin la yiraahdo ayuu dhaawac  culus kasoo gaaray howlgalkii shalay,” ayuu afhayeenku hadalkiisii raaciyay.

Hadalka afhayeenka ayaa kusoo beegmaya xilli deegaanada Jubaland ay ka soconayaan qorsheyaal ay madaxda Jubaland ku doonayaan in ku weeraraan goobaha ay Al-shabaab uga sugantahay Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
KIsmaayo-Soomaaliya.