4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2016
Dagaal u dhexeeya Ciidanka Galmudug iyo kuwa Al-shabaab oo hada ka socda Gobolka Mudug


Khamiis, Maarso 23, 2016 (HOL) — Dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab oo horay uga soo dagaalamay Puntland ayaa la sheegayaa in hadda uu ka socdo deegaan lagu magacaabo Dinooda oo ka tirsan kuwa ay maamusho Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed - ayaa sheegay isagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo inuu dagaalkani socdo, isagoo xusay inay ku dileen tiro badan oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in deegaannada uu dagaalkani ka socdaan in laga jaray isgaarsiinta oo dhan, iyadoo dagaalkan laga dareemayo Koonfurta Gaalkacyo oo maamulka Galmudug uu ka taliyo, waxaana  saraakiil ka tirsan Galmudug ay sheegeen in 20 kooxda Al-shabaab ka tirsa ay dagaalka ku dileen, laakiin illaa hadda ma jiraan warar kuwan ka madax-banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dagaalkan ka dhashay.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab ee soo galay Galmudug ay ku socdeen degmada Xarardheere oo ka tirsan Puntland iyo deegaanada kale ee ay maamusho Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo mas’uuliyiinta Galmudug ay sheegay Arbacadii shalay in Xoogag kasoo baxsaday Puntland ay soo gaareen deegaanno ka tirsan kuwa ay maamulaan oo ay ku jirto Koonfurta Gaalkacyo, kuwaasoo tiradooda ay ku sheegeen soddon, inkastoo aan saxaafadda loo soo bandhigin.

Ugu dambeyntii, Maamulka Puntland ayaa maalmo ka hor sheegay in Al-shabaab ay kaga adkaadeen xeebaha-bari ee Puntland, ayna u firxadeen deegaannada ay Galmudug ka taliso ee ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dagaalkan u dhexeeya Galmudug iyo Al-shabaab, waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya