4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2016
Hawlgallo laga sameeyay Boosaaso oo lagu soo Qab-qabtay dad shacab ah oo ka badan 150-qof


Khamiis, Maarso 24, 2016 (HOL) — Ciidamada Booliska magaalada Boosaaso ayaa in ka badan 156-qof ku qab-qabtay howlgal ay magaaladaas shalay ka sameyeen, kuwaasoo ay ku qabqabteen dad badan oo shacab ahaa.

Dadweynahan oo laga soo qabqabtay hoteello ay deggenaayeen, xaafadaha iyo goobo kale ayaa waxaa lagu eedeeyay inay dhammaantood gacan-saar la leeyihiin Al-shabaab, iyadoo lagu xiray xabsiga dhexe ee Boosaaso.

Howlgalladaan Boolisku ay sameeyeen ee dadka badan lagu qab-qabtay ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa oo magaaladaas laga sameeyo. Waxaana lagu soo beegay xilli maalin ka hor ay Puntland sheegtay inay soo afjartay dagaalkii ay kula jirtay Al-shabaab.

Sidoo kale, taliyaha booliiska gobolks Bari, Col. C/xakiin Yuusuf Xuseen ayaa u sheegay VOA-da in dadka la xiray lagu soo qab-qabtay howlgallo laga sameeyay Koontaroolka magaalada Boosaaso, hoteello ku yaala xaafadaha iyo deegaanada miyiga ah ee u dhaxeeya Boosaaso iyo deegaanka Qaw.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in dadkan uu ku socdo baaritaan, isla markaana la kala saari doono, isagoo ugu baaqay shacabka gobolka Bari inay ciidamada kala shaqeeyaan sugida amniga, ayna soo sheegaan dadka falalka amaan-darrada ah geysanaya.

Ugu dambeyn, Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa horay uga dhacay qaraxyo iyo weeraro ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab, dhowr jeer ay boolisku hawlgallo amniga lagu sugayo ka sameeyeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya