4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2016
Ugaas Xasan oo Faahfaahin ka bixiyay Qodobadii ay Maanta ka Wadahadleen Ra'iisul Wasaaraha


Arbaco, Maarso 23, 2016 (HOL) — Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo la hadlayay HOL, ayaa Faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay qodobbadii ay kala hadleen RW Somalia Sharma’arke, kaddib kulan ay maanta duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan iyo Ra'iisul wasaaruhu ay ku yeesheen magaalada Beledweyne.

Ugaas Xasan ayaa sheegay in labo Qodob oo keliya ay ka wada-hadleen RW Soomaaliya, kuwaasoo kala ahaa; Dib-u-hishiisiin iyo in shirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe lagu qabto magaalada Beledweyne.

“Annaga iyo RW Somalia si furan oo bulshada ay goob-joogayaal ka ahayd ayaan u wada-hadalnay, markii dambana kulan gaar ah ayaan yeelanay, keliya waxaan ka wada-hadalnay labo qodob oo kala ahaa, In dib-u-hishiisiin loo qabto beelaha ku dhaqan gobolka iyo In la dhigo Baladweyne gogosha dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, Ra'iisal Wasaaruhuna labadan qodob wax jawaab ah nagama siin, sidaas ayaana kusoo kala tagnay,” ayuu Ugaasku u sheegay HOL.

Sidoo kale, Ugaaska ayaa dhanka kale soo hadal qaaday qodob sida uu hadalkiisa u dhigay muhiim u ahaa Shirka ay la qaateen ra'iisal wasaaraha, kaasoo uu ku tilmaamay maqaamka Gobolka Hiiraan, isagoo intaas ku daray in Dowladda Somalia ay ka dalbadeen in Gobolka uu helo xaqa todobadii gobol kale ee Soomaaliya ay u heleen in loo qaybiyo min labo illaa saddex gobol.

“Gobolka Hiiraan - lixdii Gobol ee Somalia ayuu ku mid ahaa, Siddeedii gobol ayuu sidoo kalana ka mid ahaa, marka suuro-gal ma ahan in haddana uu ka mid ahaado 18-ka gobol ee Soomaalliya, waa in toddobadii gobol ee kale xaqa ay u heleen in la qaybiyo uu helaa ama saamiga uu gobolku wax ku helayo noqdo siddeedii gobol ee Soomaaliya,” ayuu yiri Ugaas Xasan.

Dhinaca kale, Ugaas Cali Ugaas Muxumed Shafeec oo ka mid ahaa duubabkii dhaqanka ee ka qayb-galay kulankii maanta lala yeeshay RW Somalia, ayaa beeniyay wareysi uu VOA-da uu siiyay Wasiirka Warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo sheegay in RW Soomaaliya iyo duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ay isku Af-gareen in dib loogu laabto shirka Jowhar.

“Waa wax lala yaabo in mas'uul Dowladdeed uu ka been-abuurto Hoggaamiyayaal dhaqan, iyadoo waxa laga wad-hadlayo ay yihiin masiir ummadeed, annaga iyo RW Somalia marna kama Wada-hadlin shirka Jowhar, labo qodob oo kaliya ayaan hor-dhignay, kuwaasoo kala ahaa; Dib-u-hishiisiinta iyo Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe in lagu qabto magaalada Beledweyne,” ayuu yiri Ugaas Cali.

Ugu dambeyn, shirkii maanta dhaxmaray duubabka-dhaqanka gobolka Hiiraan iyo wafdiga Dowladda ka socda oo labo qaybood ka koobnaa, ayaa wajigiisa hore waxaa ka qayb-galay oday-dhaqameedka Gobolka iyo xubno ka tirsan qaybaha bulshada oo la socday inta badan Hadalladii ay is-weydaarsanayeen Ugaasyada iyo Mas'uuliyiinta Dowladda Somalia ee uu Hoggaaminayay Ra'iisul Wasaare Sharma'arke.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya