4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2016
SAWIRRO: Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi la socda oo Gaaray Jarriiban kuna socda Garacad

Arbaco, Maarso 23, 2016 (HOL) — Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas], ayaa maanta gaaray degmada Jarriiban ee Gobolka Mudug, iyagoo kusii socda deegaanka Garacad, halkaasoo toddobadkii lasoo dhaafay ay dagaallo culus ku dhexmareen ciidamada Puntland iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

C/weli Gaas ayaa la hadlay shacabkii Jarriiban kusoo dhaweeyay, isagoo dadka u sheegay in kooxaha xag-jirka ah laga sifayn doono deegaannada Puntland, inta laga sifeynayana ay hawl-galladoodu socon doonaan.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dagaalkoodu uusan weli dhammaan, isla markaana uu sii soconayo, isagoo guud ahaan shacabka Puntland ku boorriyay inay ka qayb-qaataan sidii cadowga looga sifeyn lahaa Puntland.

Madaxweyne Gaas, ayaa hadalkiisa kusoo qaaday Maxaabiistii ay ka qabteen Al-shabaab, isagoo tilmaamay in maxaabiista oo u badan da'yar ay u sameyn doonaan dhaqan-celin iyo hanuunin, maadama ay yihiin buu yiri carruur lasoo qalday.

Dhanka kale, Wafdigaan uu Hoggaaminayo C/weli Gaas ayaa lagu wadaa in isla maanta ay gaaraan deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, iyagoo booqan doona goobihii dagaalladu ay ka dhaceen, waxaana safarkiisa ku wehliya madaxweyne ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Ugu dambeyn, Xaaladda deegaannadii lagu dagaalamay ee Puntland ayaa lasoo sheegayaa inay deggen yihiin, Waxaana safarka madaxweyne C/weli Gaas iyo Wafdiga la socda lagu tilmaamay mid lagu dhiirri-gelinayo ciidamada Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Waa markii ugu horreysay oo Madaxweynaha Puntland uu safar ku aado deegaannadii ay ku dagaallameen ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab ee 14-kii bishan soo gaaray deegaannadaas, iyadoo Puntland ay ku dhawaaqday shalay inay soo af-jareen dagaalladii aaggaas ka socday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya