4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2016
Madaxweyne Xasan oo Abu-Dhabi kula kulmay Guddoomiyaha Ganacsatada Shaariqa (Sawirro)

Arbaco, Maarso 23, 2016 (HOL) — Magaalada Abu-dhabi ee Imaaraadka Carabta, Wuxuu xalay kulan gaar ah ku dhexmaray gudoomiyaha ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Shaariqa ee dalka Imaaraadka Carabta, ahna Milkiilaha Shirkadaha Tareeq Alhuda iyo Royal Meat oo fadhigoodu yahay Dubai, Abuubakar Mubaarak iyo madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Imaaraadka.

Kulanka oo ka dhacay Hoteelka Qasrul Imaaraad, ayuu madaxweyne Xasan ku dhageystay warbixinno ku saabsan halka uu maraayo ganacsiga Soomaalida ku sugan Imaaraadka, gaar ahaan hilibka maadaama meelo badan oo caalamka ah sanadkii hore laga joojiya, sababo la xiriira cudurro iyo waxyaabo kale oo aan sax ahayn, laakiin dadaal badan kaddib guul laga gaaray in dib loo furo.

Sidoo kale, kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka Soomaaliya, gaar ahaan Xoolaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga. Madaxa Ganacsatada ayaa Madaxwayne Xasan Sheekh ka codsaday inay Dowladda Somalia kala shaqayso Kobcinta dhaqaalaha dalka, sidoo kalena ay ka saaciddo sidii xoolaheena suuqyo cusub loogu heli lahaa.

Waxaa kulankaan Goob-joog ka ahaa maamule ku xigeenka shirkadaha Tareeq Alhuda iyo Royal Meat, Abdinaasir isagoo hadallo uu kulanka ka jeediyay ku sheegay in looga baahan yahay in la xoojiyo ganacsiga Soomaalida ee dunida ku kala firirsan.

Intaas kaddib, waxaa isagana hadlay madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud oo kaga mahadceliyay guddoomiyaha ganacsatada Somalida ee Shaariqa Abubakar Mubaarak sida fir-fircoonida ee uu u dar-dargeliyay ganacsiga hilibka tan iyo markii loo doortay xilka isagoo docda kalena ballan-qaaday in dowladdu ay si buuxda ula shqayn doonto.

Ugu dambeyntii, Kulankaan oo muddo saacado ah socday, ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha dalka Imaaraadka Carabta, Danjiraha Somalia ee waddanka Imaaraadka Carabta, C/qaadir Sheekheey, xildhibaanno iyo mas'uuliyiin kale.

Ibrahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Melbourne, Australia