4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2016
Xaflad Qalinjabin ah oo Machadka HAMI uu Kuqabtay Eastleigh, Nairobi

Martida xaflada qalinjabinta ee Machadka HAMI ee xaafada Eastleigh/Waxaa sawirka u qaaday HOL Axmad Ibraahim

Arbaco, Maarso 23, 2016 (HOL)-Xaflad qalin jabin ah ayaa machadka HAMI oo kuyaala xaafada Soomaalidu u badan tahay ee Eastleigh ee Nairobi Kenya uu ku qabtay hoolka shirarka ee weyn ee suuqa Eastleigh Mall galab gaabadkii shalay.

Shahaadada caalamiga ah ee dugsiga sare ee Sudan ayaa lagu guddoonsiiyay arday tobanaan ah xafladaasi intii ay socotay. Ardaydaas ayaa isugu jiray gabdho iyo wiilal waxayna kooraska soo wadeen muddo lix bilood ah. Kooraskaas ayaa ahaa mid dagdag ah ama dawrah mucajalah.

Machadka HAMI oo kuyaala isla dhismaha Eastleigh Mall ayaa waxaa lagu bartaa culuum kala duwan oo diinta Islaamka iyo af Carabigu kujiraan wuxuuna machadku xiriir la leeyahay Jaamacada Caalamiga ah ee Afrika/International University of Africa oo kutaala Khartoum, Sudan iyo Umma University oo kutaala magaalooyinka Thika iyo Kajiado oo labaduba kuyaala Kenya.

Ardayda ka qalin jabiya HAMI ayaa si fudud ugu biiri kara Umma University ayadoo barnaamijka digriiga laga soo dhimay 4 sano oo haatan Umma University looga barto 2 sano iyo bar oo qura.

Mudada digriiga ayaa laga soo gaabiyay 4 sano oo waxaa dabadeed jaamacada Umma University ka dhigtay taa baddalkeedii 2 sano iyo bar oo qura maadaama ardaydu sanadkii oo dhan qaadanayaan fasax 2 asbuuc oo qura.

Jaamacada Umma University ayaa kusoo bandhigtay koorasyadeeda halkaa waxaana goobta qalinjabinta soo xaadiray kana hadlay masuuliyiin ka socday. Waxay masuuliyiintaasi sheegeen in koorasyadooda digriiga lagu baran karo machadka HAMI gudihiisa oo dadku ku baran karaan iminka si fudud galbihii ayagoo inta kale ee maalintii ay soo shaqeysan karaan ama soo qabsan karaan danahooda kale ee u gaarka ah.

Qore: Aadan Maxamed Warsame,
          [email protected]