4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 22, 2016
Sawirro: Puntland oo soo bandhigtay khasaarihii ka dhashay Dagaallada iyo Maxaabiis ay Qabteen

Talaado, Maarso 22, 2016 (HOL) —Puntland ayaa soo bandhigtay khasaarihii ka dhashay dagaalladii shalay ka dhacay Toogga Suuj ee Gobolka Nugaal iyo sidoo kale deegaanka Daba-karan ee Gobolka Mudug.

Ciidamada Puntland ee dagaalka adag kula jiray xoogagga Al-shabaab dhawaan Weerarka ku qaaday Puntland ayaa sheegay inay soo af-meereen howl-galkaas, iyagoo maxaabiis ay soo qabteen soo bandhigay.

Saraakiisha ciidanka Puntland, ayaa sheegay in dagaalkii billowday aroornimadii shalay ay soo af-jareen gellinkii dambe ee shalay, iyagoo xusay in dagaalkaas ay uga dileen Puntland 65-ruux, ayna qabteen dhaawacyada shan ruux, halka sidoo kale ay maxaabiis ahaan isugu soo dhiibeen 30-ruux, Saanad Ciidanna ay ka soo furteen.

Waxay saraakiishu hadalkooda raaciyeen in dagaalka uu uga dhintay hal askari, halka shan kalena ay kaga dhaawacmeen. iyagoo intaas ku daray in dagaalkii ka socday Togga Suuj la soo af-meeray isla shalay.

Dhinaca kale, dagaalkii u dhexeeyay Ciidamada Puntland iyo kooxda Al-shabaab ee shalay ka dhacay deegaanka Daba-karan oo ka tirsan deegaanka Garacad, ayay saraakiishu xuseen in Al-shabaab ay kaga dileen 45-ruux, ayna dhaawac ahaan ku qabteen Afar ruux, halka ay sided kalena isi soo dhiibeen.

Ciidamada Puntland ayay saraakiishu sheegeen in ay kaga dhinteen dagaalkaas laba askari, ayna kaga dhaawacmeen siddeed kale, iyagoo xusay in dagaalkaas uusan weli dhammaan, uuna saakay dib u billowday, khasaarahan aan la xaqiijin karin.

Ugu dambeyn, Tirada guud ee khasaaraha Al-shabaab soo gaaray ayay saraakiisha ciidanka Puntland ku sheegeen; 100 dhimasho ah, 33 Maxbuus iyo 14 dhaawac ah oo ay Nolosha ku qabtay, taasoo u dhiganta 147 ruux oo khasaare ah.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo-Soomaaliya