4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 22, 2016
Siilaanyo oo Maanta la Shiray Axsaabta Qaranka iyo Guddiga Doorashooyinka SL (SAWIRRO)

Talaado, Maarso 22, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Siilaanyo ayaa Maanta isugu yeeray Guddiga Doorashooyinka, Axsaabta Qaranka iyo Xukuumadda, taasoo lagu sheegay in looga tashanayay sida ugu habboon ee looga hawl-galayo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha gobolada bariga Somaliland.

Kulankan oo uu gudoominayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa waxaa ku wehlinayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxamaan Ismaaciil Saylici, gudoomiyaha xisbiga ucid, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Waddani, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, xubno ka mida golaha wasiirada iyo masuuliyiin ka tirsan asxaabta Qaran iyo badiba xubnaha komishanka doorashooyinka Qaranka, taas oo ka qabsoontay xarunta madaxtooyadda.

“Iyadoo lagu Xisaabtamayo waayo Aragnimadii laga helay Gobollada ay illaa hadda kasoo qabsoontay diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo Gobolka Maroodi-jeex oo ah gobolka ugu tirada badan gobollada oo dhawaan la guda-galayo diiwaangelinta codbixiyeyaashiisa, ayaa la isku raacay in xooga la saaro loona guuro hawsha diwaangelinta gobolada bariga dalka,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha oo afhayeenka madaxweynaha C/raxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) uu ku saxiixnaa.

Waxaanu intaas ku daray. “Warbixinada lasoo jeediyey waxa ka mid ah in gobolada bariga dadka ku nool ay diyaar u yihiin is-diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, dib danbaysana aanay u aqbali doonin Xildhibaan ku yimid isxambaar, oo dadka uu Metelayaa aanay soo dooran. Waxa kale oo ka mid ahaa waxyaabihii la isla qaatay in la xoojiyo maamulka Dowladnimo, oo maalinba mida ka danbaysa ku sii fidaya deegaamadaasi, muwaadiniinta Goboladaasina ay u heellan yihiin, wax la qabashada dawladda.”

Geesta kale, waxaa la gudoonsaday in wacyigelin hor leh oo kuna waajahan diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha loo lahaado Deegaannada Bariga Somaliland, lana Hawl-geliyo Ardayda Jaamacadaha Nugaal iyo Sanaag, NGO-yada deegaanka, Madax-dhaqameedka, Duqayda iyo wax-garadka Deegaannada laga hawlgelayo, sidii gobolada hore ee diiwaan-gelintu ka qabsoontay ahaayeena, dhammaan gaadiidka loo isticmaalayo hawlahaasi ay ahaadaan mid ay leeyihiin dadka deegaanadaa diwaangelintu ka bilaabmayso.

Dhinacooda Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka waxay sheegeen, inay si buuxda diyaar ugu yihiin ka hawlgalka isdiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaamada bariga Somaliland, sida ugu dhakhsaha badana ay uga hawlgelidoonaan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Madaxweynaha oo soo Gunaanaday kulankaas ayaa bogaadiyey sida ay ilaa hada u socoto hawsha diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaashu, waxa klae oo uu ku dardaaray in la laba-jibaaro laguna dadaalo diwaangelinta codbixiyeyaasha, taasoo uu ku tilmaamay mid masiiri ah oo aayaha ummaddu ku fadhiyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland