4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 22, 2016
FAAHFAAHIN: Safarkii Ra'iisul wasaare Cumar iyo Wafdigiisu ku tageen Beledweyne (SAWIRO)

Talaado, Maarso 22, 2016 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo wafdi uu horkacayay oo ay ka mid ahaayeen; wasiirka warfaafinta Max'ed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka dhallinyarada, Maxamed C/llaahi Xasan Nuux, Taliyaha Hay'adda Nabad-sugida, Jen. C/raxmaan Tuur Yarre  iyo xildhibaanno, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha Somalia, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo heerr degmo, Wasiirro, waxgarad iyo Saraakiisha ciidammada dowladda iyo kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Wasiirka warfaafinta Somalia Maareeye, ayaa warbaahinta u sheegay in socdaalka wafdiga ra'iisal wasaaraha uu la xiriiro siddii ay kulamo kala duwan ula yeelan lahaayeen duubabka gobolka Hiiraan iyo qaybaha bulshada oo looga hadlayo dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo khilaaf weyn uu ka taagan yahay.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha u kuur-gali doono guud ahaan xaalada bani'aannimo ee ka jirta gobolka, gaar ahaan arinta ku saabsan biyo yaraanta soo food saartay bulshada ku dhaqan gobolka, kaddib markii uu gurray wabiga Shabeelle.

Wafdiga ra'iisal wasaare Sharm'arke ayaa ku biiraya wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka batroolka dowladda Somalia oo labadii todobaad ee lasoo dhaafayba ku sugnaa magaalada Beledweyne, sidoo kalana Waxaa magaalada ku sugan wafdi ballaaran oo ka kooban oday-dhaqameed uu hoggaaminayo Iimaam Maxamuud Iimaan Yuusuf.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa muddadii uu joogay magaalada ku guul-dareystay inuu la kulmo odayaasha dhaqanka iyo duubabka gobolka Hiiraan, marka laga soo tago xiriiro kala duwan oo uu la sameeyay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.

Ugu dambeyn, wafdiga uu hoggaaminayo RW xukuumadda Somalia, ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Baladweyne, iyadoo la filayo in berri uu kulamo iyo shirar Wada-tashi ah oo looga hadlayo muranka ka taagan dhismaha maamulka loo sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeellada uu la qaato duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya