4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 22, 2016
SAWIRRO: Puntland oo soo Af-jartay Dagaalkii Al-shabaab iyo C/weli Gaas oo Booqday Ciidanka

Talaado, Maarso 22, 2016 (HOL) — Puntland ayaa maanta sheegay inay soo gunaanadeen dagaalkii ay kula jireen Xoogaggii Al-shabaab ee bartamihii bishaan gaaray Deegaanno ka tirsan Xeebaha Puntland. Waxaana Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa C/raxiin C/llaahi Camey, ayaa booqday ciidankii Puntland ee dagaalka la galay xoogaggii Al-shabaab.

C/weli Gaas iyo Camey ayaa, booqashadooda ka billaabay Saldhigga ciidamada ee PSF-ta, waxayna halkaas salaam-sharaf kaga guddoomeen cutubyo ka tirsan Ciidamadii Puntland ee soo Af-jaray dagaalkii ay kula jireen Kooxda Al-shabaab oo watay hubka Noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka.

Saraakiishii hoggaaminayay ciidamada Puntland ee dagaalka kasoo laabtay ayaa warbixin kooban ka siiyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa guulihii dagaalladii Suuj iyo Garmaal ee Gobolka Nugaal ay ka gaareen.

Madaxweyne C/weli Gaas ayaa ku ammaanay ciidamada Puntland hawlgalkooda, isagoo u sheegay in guulaha ay gaareen ay yihiin kuwo ay mahad weyn uga hayaan, ayna shacabka Puntland.

Sidoo kale, C/weli Gaas & C/xakiin Camey ayaa booqday xerada ciidanka badda Puntland, iyagoo warbixinno kala duwan ka dhageystay saraakiishii kala duwanaa ee hoggaaminayay dagaalka, iyagoo u jeediyay bogaadin.

Waxaa kaloo C/weli Gaas uu sheegay in ciidamada Badda Puntland ay yihiin geesiyaal ka soo hoyay guulo dagaalladii ay Al-shabaab la galeen. Isagoo xusay in dagaalku uusan weli dhamaan, ciidankana looga baahan yahay inay feejignaan dheer iah muujiyaan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa Kormeerro ku soo sameeyay xarumaha Wasaaradaha Warfaafinta iyo Duuslista Hawada Puntland; halkaa oo ay ka socdeen shaqo maal-meedkii Wasaaradahas.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo-Soomaaliya