4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 22, 2016
Shir Looga Hadlayay Xeerka Cusub ee Saxaafada oo Lagu Qabtay Xaafada Eastleigh, Nairobi, Kenya

 

Martida Shirka/Sawirka waxaa HOL u qaaday Axmad Ibraahim
Martida Shirka/Sawirka waxaa HOL u qaaday Axmad Ibraahim
Martida Shirka/Sawirka waxaa HOL u qaaday Axmad Ibraahim
Martida Shirka/Sawirka waxaa HOL u qaaday Axmad Ibraahim
Talaado, Maarso 22, 2016 (HOL)-Shir looga hadlaayay sida loo hirgalin karo xeerka cusub ee saxaafada Soomaaliyeed ee dhawaan la ansixiyay ayaa shalay galab gaabadkii lagu qabtay Nairobi gaar ahaan xaafada Soomaalidu u badan tahay ee Eastleigh.

Shirkaa ayaa marti sharaf waxaa ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Soomaaliyeed, Mudane Cabdullaahi Suleyman Rooble iyo agaasimaha wakaalada wararka ee Soomaaliyeed ee SONNA, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf (Alcadaala).

Shirkaa ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay saxafiyiin badan oo Soomaaliyeed, xubno ka socday jaaliyada qurba joogta ah ee Soomaaliyeed iyo weliba masuuliyiin kale. Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay masuuliyiinta ururada saxaafada Soomaalida gaar ahaan masuuliyiinta ururada saxafiyiinta ee qurbajoogga ah. Shirka ayaa waxaa soo qabanqaabisay Xarunta Warbaahinta & Wada Hadalka ama Centre for Media & Dialogue (CMD).

Shirka oo ka dhacay hoolka shirarka ee Medina Mall oo kuyaala wadada 12aad ee xaafada Eastleigh socdayna illaa fiidnimadii xalay ayaa waxaa lagu lafa guray waxyaabo badan oo ku taxaluqa hirgalinta sharcigaa cusub ee saxaafada, faaiidooyinka uu uleeyahay saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo warbaahinta Soomaalidu leedahay iyo weliba dhammaan waxyaabaha kusaabsan su'aalaha dadku iska weydiin karaan xeerkaan cusub.

Waxaa sidoo kale looga hadlay halka laga heli karo. Xeerkaa cusub ayaa wuxuu kujiraa sida masuuliyiintii shirkaa kasoo qeyb galay sheegeen barta internetka ee wakaalada wararka ee Soomaaliya ee SONNA.

Qore: Aaden M Warsame,
          Xafiiska Wararka ee
          Hiiraan Online ee,
          Magaalada Nairobi, Kenya.