4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2016
Yuhuud Yemeniyiin ahaa oo si qarsoodi ah looga Daad-gureeyay Yemen iyadoo la geeyay Israa’iil


Isniin, Maarso 21, 2016 (HOL) — Qaar ka mid ah Yuhuudii ku sugnaa dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdeen tan iyo sanadkii hore ayaa si qarsoodi ah looga daad-gureeyay dalkaas, iyadoo la geeyay Israa’iil. Iyadoo howshan ay gacan ka geysatay hay’adda Jewish Agency.

Hay’addan oo Israa’iil laga leeyahay kana shaqeysa gargaarka ayaa sheegtay in ay Israa’iil geeyeen 19-ruux oo ka mid ahaa dadkii u dambeeyay ee asal ahaan ka soo jeeda Yemen.

Sidoo kale, hay’adda Jewish Agency ayaa Isniinta maanta ha sheegtay in dadkan asalkoodu yahay Yemeniyiinta ay ee Yuhuudda ah ay geeyeen Israa’iil maalmihii u dambeeyay, ayna daad-gureyntooda dhibaato badan kala kulantay.

Hay’addan ayaa si dhaw ula shaqaysa xukuumadda Israa’iil, waxayna matashaa isku-xirka Yuhuudda Caalamka ku nool. Iyadoo xustay in Yuhuudda Yemen lagu qaaday hawlgal aad u adag oo qarsoodi ah.

Warbixin uu baahiyay telefishinka Israa’iil, ayaa lagu xusay in hawshiid waddanka Yemen looga daad-gureeyay Yuhuudan ay ka qaadatay xukuumadda Mareykanka, taas oo ku timid inaanu jirin xiriir u dhexeeya Yemen iyo Israa’iil.

Dhanka kale, Hay’addan Yuhuda ah ayaa waxay intaas ku dartay in weerarrada ku salaysan isir-nacaybka iyo dagaallada sokeeye ay halis galiyeen bulshada Yuhuuda ah ee u dhashay dalka Yemen.

Ugu dambeyn, Illaa 50,000 oo ruux oo Yuhuud ah ayaa waddanka Yemen ka tagay, iyagoo Israa’iil aaday tan iyo iyo sannadkii 1949-kii. Waxayna hay’addan sheegtay in 50 Ruux oo Yuhuudda ay doorteen inay iska sii joogaan dalka Yemen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya