4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2016
C/WELI GAAS: Puntland waxay xaq u leedahay in qaybteeda ay ka hesho deeqaha Beesha Caalamka

Isniin, Maarso 21, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas] oo maanta ku laabtay Garoowe ayaa ka hadlay dagaallada ciidamada Puntland iyo xoogaga Al-shabaab ku dhex-maraya deegaanno ka tirsan Xeebaha-bari ee Puntland, isagoo sheegay in dagaalkaas uu socon doono illaa inta deegaanada ay soo galeen ay ka saarayaan.

C/weli Gaas ayaa hadalkiisa raaciyay in dagaalka socda uusan joogsan doonin maalin qura inta laga gaarayo hadafka laga leeyaha. Wuxuuna kasoo laabtay safar Toddobaadyo qaatay oo uu ku tagay dalka Mareykanka, Laakiin soo laabashadiisan ayaa kusoo beegmaysaa xilli ay dagaallo ka socdaan Puntland.

"Nasiib-wanaag Puntland waxay leedahay shacab iyo maamul isku duuban, una ah diyaar inay deegaanadooda difaacdaan.waxaan uga mahad-naqayaa ciidanka Puntland casharkii ay u dhigeen dagaal-yahanada Al-shaabab," ayuu intaa ku daray madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ciidamada Puntland oo keliya ay ka adkaadeen Al-shabaab, ayna yihiin kuwo ku filan in deegaannadooda ay ka difaacaan cid walba oo soo weerarta.

DHAGEYSO: Hadalka Madaxweyne C/weli Gaas uu Maanta ka jeediyay GAROWE;

"Ciidamada Puntland waxay u istaageen inay difaacaan dhulkooda, Diintooda & dadkooda. ALLE waxaan uga baryayaa in Jannadiisa uu ka waraabiyo Ciidamadii geeriyooday iyagoo dhulkooda difaacaya, inta dhaawacan-tayna uu boogsiiyo,” ayuu mar kale yiri C/weli Gaas.

Isagoo sii hadlay ayuu C/weli Gaas yiri. “Waxaan shacabka Puntland meel walba oo ay ku sugan yihiin uga Mahad-naqayaa midnimadii iyo wadajirkii ay muujiyeen, si ay meel qura uga soo jeestaan cadowga dhulkoosa kusoo duulay.”

Dhanka kale, Madaweynaha Puntland ayaa xusay inay Puntland xaq u leedahay inay hesho qaybta ay ku leedahay dhaqaalaha Beesha Caalamku ku bixiso Nabad-galyada iyo xasilinta Soomaaliya oo dhan.

“Waxaan doonayaa inaan Beesha Caalamka u sheego inay Puntland xaq u leedahay inay ka hesho qaybteeda dhaqaalaha Soomaaliya loogu talo-galay, kaasoo magaca Soomaaliya lagu bixiyo, looguna talo-galay nabad-galyada iyo xasilinta Somalia,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dabmeyn, Madaxweynaha Puntland ayaa ummada Soomaaliyeed u rajeeyay midnimo, wuxuuna qurbo-joogta ku boorriyay inay gacan siiyaan ciidamada kala duwan ee Puntland, isagoo hoosta ka xariiqay in shidada Al-shabaab ay sii socon doonto, sidaa awgeedna meel looga soo wada-jeesto.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo-Soomaaliya