4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2016
Dagaallo Mar kale Maanta ka Qarxay Dulleedka Deegaanka Garacad ee gobolka Mudug (Sawirro)


Isniin, Maarso 21, 2016 (HOL) — Dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab ayaa Maanta mar kale ka qarxay duleedka deegaan xeebeedka Garacad ee gobalka Mudug, iyadoo dagaalka maanta la sheegayo in lagu qabtay ku dhawaad 50-maxbuus oo ka tirsan Al-shabaab.

Qaar ka mid ah dadka Reer miyiga ah ee ku dhaqan hareeraha halka uu dagaalku ka socdo, ayaa kusoo waramaya inay maqlyaan dhawaaqa rasaasta fudud iyo mida culus ee dagaalka ay dhinacyada diriraya ay u adeegsanayaan dagaalka oo ah mid culus.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Al-shabaab, ayaa ka sheegtay Dagaalkii maanta guulo, xilli ay u warramayeen qaar warbaahinta ka hawl-gasha Puntland ka mid ah.

Inksatoo, aan la xaqiijin karin khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca dagaalka kasoo gaaray labada dhinac, Haddana wararku waxay sheegayaan in khasaaraha uusan ahayn mid yar, maadama u socdo muddo ka badan lix saacadood.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soocade oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lasoo gunaanaday dagaalkii ka socday Togga Suuj ee gobalka Nugaal, Dhawaanna maamulkoodu soo bandhigi doonaan Maxaabiista iyo Meydadka Qaar ka mid ah xoogagga ururka Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Dagaalladan u dhexeeya Puntland iyo Al-shabaab oo socda shan maalmood, ayay mas'uuliyiinta Puntland, waxay sheegeen inay ka hadli doonaan markii la soo Af-jaro, laakiinse ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab.

Wixii faahfaahinno ah oo la xiriira dagaalka maanta ka socda dulleedka Garacad, waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo-Soomaaliya