4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2016
Saaladii Qalliinka ee isbitaalka Madiina oo Xalay gubatay & Hawlihii Isbitaalka oo Hakad ku Jira


Isniin, Maarso 21, 2016 (HOL) — Salaadii Qalliinka ee ugu weynayd Isbitaalka Madiina, ayaa xalay ku gubatay dab ka kacay isbitaalkaas, iyadoo agaasimaha isbitaalka uu sheegay in hawlihii isbitaalka ay maanta hakad ugu jiraan gubashada Saaladii Qalliinka, maadaama saaladii ugu weynayd ay gubatay.

Dr. Maxamed Yuusuf oo ah agaasimaha isbitaalka Madiina ayaa intaas ku daray in dabkan uu khasaare xooggan geystay, isla markaana uu gubay dhammaan wixii qalab ah ee saalada qalliinka, isagoo ku daray intaas, in saalada lagu qali-jiray illaa lix qof maalin kasta darteed ay ku jiraan howlihii Isbitaalka hakad.

“Maanta dhibaato weyn ayaa ka dhacday Isbitaalka… Xalay 4:00 habeenimo ayaa wuxuu Dab ka kacay Qaybta ama Saalada Qalliinka, dhammaan Qalabkii yaallayna wuu gubtay,” ayuu yiri Dr. Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa intaas ku daray in sababta dabkaan uu ka dhashay aysan weli caddeyn, ayna hawlihii Isbitaalka maanta hakad ugu jiraan Saaladaan gubatay oo uu xusay inay ahayd mid markiiba lix qof lagu qali jiray.

“Qalabkii yaallay Saalada Qalliinka Isbitaalka - Hal shay oo ka bad-baaday ma jirto, waana dhibaato weyn oo isbitaalka Madiina soo gaartay, waayo isbitaalkan waa mid la keeni jiray dhaawacyada, dabkanna waa mid nasiib-daro ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay agaasimaha.

Dhanka kale, Bukaannadii jiifay Qaybta bukaan-jiifka Isbitaalka oo saalada xalay gubatay ku dhawaa ayaa laga raray dhammaan dadkii bukaanka ahaa ee jiifay, sida qaar ka mid ah dadkii bukaannada caawinayay ay u sheegeen warbaahinta.

“Xalay markuu dabku kacay, dhaawacyadii oo dhan waxaan kala cararnay qaybtii bukaan-jiifka ee ay jiifeen… waayo dabkaan wuxuu ahaa mid xooggan,” ayay yiraahdeen ehelladii kula jiray isbitaalka dadkii bukaannada ahaa, iyagoo xusay in mar dambe la baqtiiyay.

Geesta kalena, Dab kale oo khasaare geystay ayaa isla Xalay ka kacay Isbitaalka Banaadir oo ku dhow isbitaalka Madiina, Dabkaasoo baabi’iyay Qaybta Daawada lagu kaydin jiray, welina lama sheegin sababta dabkaas dhalisay.

Isbitaalladaan ayaa waxaa maanta booqday Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo sheegay in baaritaanno lagu sameynayo sababta keentay in labadan isbitaal uu xalay dab ka kaco.

Ugu dambeyn, Inkastoo la damiyay Dabka labadaan Isbitaal xalay ka kacay ayaan haddana lama oga sababihii keentay inay ka kacaan, iyadoo noqonaysa markii ugu horreysay oo dab noocan oo kale ah uu isku mar ka kaco isbitaallo ku yaalla Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya