4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2016
Al-shabaab oo sheegtay inay Weerarkii Saldhigga Laanta-buuro ku Qabsadeen Gaadiidka Dagaalka


Isniin, Maarso 21, 2016 (HOL) — Al-shabaab oo weerar ku qaadday saldhig ay ciidamada DF Somalia ku lahaayeen ciidamada dowladda Somalia, ayaa sheegtay inay weerarkaas ku dileen in ka badan 70 Askari oo Ciidamada Somalia ka tirsanaa, ayna Xeradaas ka Qaateen toddoba gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay xerada ugu tageen.

Weerarkaan oo ahaa mid gaadmo ah, ayaa la sheegay in ay xoogaggii Al-shabaab u suuro-gashay inay gudaha u galeen saldhigga ay weerareen, inkastoo sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo, Col. Axmed Cabdulle Absuge oo la hadlayay Idaacadda DF Somalia ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka Al-shabaab hal gaari oo ay wateenna, ayna dib uga soo celiyeen.

Sarkaalkaan, ayaan sheegin dhismashada iyo dhaawaca kasoo gaaray weerarkan ciidamada dowladda Somalia, inkastoo goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ay sheegeen inay arkeen maydadka illaa lix askari oo xerada dhex-yaalla, markii uu weerarku dhammaaday.

Afhayeenka Hawl-gallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-muscab oo isna Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay xerada qabsadeen, ayna ku laayeen askar tiradoodu todobaatan askari in ka badan, gaadiid dagaalna ay ka qabsadeen.

Balse, wararka madaxa-bannaan ayaa sheegaya in tiro ka tirsan xoogaggii labada dhinac ay ku dhinteen dagaalka, sidoo kalena laba qof oo shacab ay ku dhinteen, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn, tirada dhimasho iyo tan dhaawac ee dagaalkaas oo xalay illaa saakay socday.

Goob-joogayaal kale, ayaa iyana warbaahinta u sheegay in dhowr gaadiidka dagaalka ah ay xoogagga Al-shabaab ka wateen xerada Laanta-buuro, kuwaasoo la sheegay in ay Barqadii maanta ka tallaabiyeen degmada Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay maamulaan.

Xeradan weerarka lagu qaaday oo ku taalla gobolka Shabeellada Hoose ayaa weerarkan ay ku qaadday Al-shabaab wuxuu noqonayaa kii labaad oo ay ku qaadaan bilooyin gudahood, inkastoo weerarkan uu noqonayo kii ugu khasaara badnaa.

Al-shabaab, ayaa dhawaanahan Weerarro gaadmo ah ku qaadayay saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Koonfurta Somalia ku yaalla, gaar ahaan deegaannada ay ku sugan tahay Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhiga XF Somalia iyo taliska ciidanka xoogga, ayaan weli ka hadlin weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay, inkastoo la sheegayo in saldhigga ay haatan gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya